Daawo Sawirada:- Haween ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo Siminaar loogu soo xiray magaalada Addis Ababa

Daawo Sawirada:- Haween ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo Siminaar loogu soo xiray magaalada Addis Ababa

daajis.com:-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa siminaar ugu soo xiray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka ku jira qaarkood siminaar u socday mudo Lix Cisho ah.

Munaasabadda Xeritaanka Siminaarkan oo ka dhacday Hotelka Dream Liner ee magaalada Addis Ababa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Muno Ibraahin Abiikar,xubno ka socday QM oo siminaarkan soo qaban qaabisay,xildhibaanno ka kala socday dalalka Afrika qaarkood iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo hadal kooban ka jeedisay gebagebadii siminaarka ayaa u mahad celisay hay’adihii siminaarkan qabsoomidiisa gacan ka geystay waxaana ay kale xustay in waxyaabihii ay halkan ku kororsadeen ee la xiriiray doorka Haweenka ee hogaaminta siyaasadda dalka ay gaarsiin doonaan walaalahooda kale ee aanay ka qeybgalin.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda xeritaanka siminaarkan ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kala soo qeybgalo XIldhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Munaasabaddan waxaana uu dhanka kale ka hadlay doorka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda dalka iyo sida uu u kordhayo.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo jeediyey khudbaddiisa xeritaanka ee siminaarkan ayaa ugu horeyn u mahad celiyey hay’adihii soo qabanqaabiyey oo ay ugu horeyso UN WOMEN iyo dowladda Ethiopia oo uu uga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayo ee mudada todobaadka ah ku sugan magaalada Addis Ababa.

“Run ahaantii dareen ahaan waxaan u arkaa in talaabadan aan maanta siminaarka ugu soo xerayo Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iney bilow fiican u tahay dar dargelinta ku dhiiragelinta Haweenka Soomaaliyeed guud ahaanba iney si hufan u qaataan ama u ciyaaraan doorkooda ku aadan hogaaminta siyaasadda dalka waxaanna rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu dhiiragelinayo iney Haweenka Soomaaliyeed qaataan kaalintooda la xiriirta hogaaminta siyaasadda dalka maadaama ay Haweenku yihiin tiir dhexaadka Bulshada”




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada