Daawo Sawirada:- Muqdisho oo Maanta lagu soo bandhigay Wariye katirsanaa Idaacada Al-Shabaab oo la qabtay

Daawo Sawirada:- Muqdisho oo Maanta lagu soo bandhigay Wariye katirsanaa Idaacada Al-Shabaab oo la qabtay

daajis.com:-Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay nin la sheegay in uu katirsan yahay Al-Shabaab kana shaqeyn jiray Idaacada Al-Andulus oo ku hadasha afka Al-Shabaab.

Ninkan katirsan Al-Shabaab ayaa manta lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho , waxa uuna qirtay in uu katirsanaa Kooxda Al-Shabaab uuna kasoo shaqeeyay Idaacada Al-Andulus oo ah Warbaahinta ay adeegsadaan Al-Sahbaab.

Maxamed Qaasim Axmed ah ninka Shabaab katirsan ee maanta lasoo bandhigay ayaa qirtay in uu kooxdaasi katirsanaa uuna ka qeyb qaatay Dilal iyo qaraxyo dhoor ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaa oo qaarkood lagu dilay Xildhibaano katirsan Dowlada Soomaaliya.

Ninkan qirtay in uu katirsanyahay Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in Nin kale oo isna Shabaab katirsanaa kana soo shaqeeyay Idaacada Andulus Ciidama Nabad Sugida la qabteen balse gaari iska tuuray sidaana ku dhintay , waxa uuna Magcaiisa ku sheegay Farxaan Macalin Maxamuud oo kasoo shaqeeyay Idaacado kuyaala Kismaayo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada