DAAWO VIDEO:- AMISOM oo soo badbaadisay 30 qof oo Al-Shabaab shalay afduubatay

DAAWO VIDEO:- AMISOM oo soo badbaadisay 30 qof oo Al-Shabaab shalay afduubatay

daajis.com:-Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka Juba ayaa waxay kusoo badbaadiyeen 30 qof oo rag iyo haween isugu jira, kuwaasi oo shalay Al-Shabaab ka afduubatay deegaan lagu magacaabo Baar Caleen oo u dhow magaalada Kismaayo.

Dadkan ayaa ah ganacsato qaadka iibisa, iyadoo shalay ay Al-Shabaab gacanta ku dhigeen xili ay qaadka gelin rabeen Kismaayo, waxayna Al-Shabaab gubtay qaadkii, dadkiina wadayna ay u kaxeysteen keymaha deegaanka Baarl Caleen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Ergayga Midowga Midowga AFrika u qaabilsan Somalia Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa lagu sheegay in dadkaani si nabad ah lagu soo badbaadiyay xili ay u afduubnaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Ambassador Mahamat Saleh Annadif in Al-Shabaab markii laga qabsaday deegaanadii dhaqaalaha badan kasoo geli jiray ay bilowday inay afduubtaan shacabka si dhaqaale ugu helaan.

Shalay ayey aheyd markii Al-Shabaab gacanta ku dhigtay gaadiidka dadkaan saarnaayeen iyo qaadkii ay wadeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO QAABKA DADKAAN LOO SOO FURTAY



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada