Faah faahin ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ku qaadeen Tuulo ku taal Xadka Kenya iyo Somalia

Faah faahin ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ku qaadeen Tuulo ku taal Xadka Kenya iyo Somalia

daajis.com:-Ilaa afar ruux ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar dabley hubeysan xalay ku qaadeen Tuulo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka weerarkan ayaa lagu qaaday saldhig boolis oo ku yaala deegaanka Kulan, iyadoo halkaas uu iska hor imaad xoogan ku dhex maray kooxihii hubeysnaa iyo booliska.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda hubeysan looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo rasaas culus is dhaafsaday iyaga iyo ciidamadii booliska saldhiga.

Lama oga in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan ciidamo boolis, hase ahaatee weerarkan ayaa ahaa mid xoogan oo muddo saacad ku dhowaad uu socday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxihii weerarka soo qaaday ay gaarayeen ilaa tobaneeyo, iyadoo markii dambe deegaanka ka soo baxay, markii ciidamo fara badan ay soo gaareen.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howl galo ka wada deegaanka Kulan oo ku dhow xuduuda, halkaasoo lagu arkayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka sida ay soo sheegeen dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro gudaha dalka Kenya iyo xuduuda ugu dhacay, iyadoo saraakiisha Kenya ay ku eedeysay inay ka dambeyaan Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan oo ku aadan weerarka xalay ka dhacay Tuulada Kulan ee ku taal xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada