Sirdoonka Maleysia oo gacanta ku dhigay soomaali Shabaab ka tirsan

Sirdoonka Maleysia oo gacanta ku dhigay soomaali Shabaab ka tirsan

daajis.com:-Booliska dalka Maleysia ayaa gacanta kusoo dhigay nin soomaali ah oo ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab kaas oo qaab arday iyo daxiisnimo kusoo galay dalka Maleysia.

Sirdoonka dalkaasi oo lagu magacaabo Bukit Aman Special Branch Counter Terrorism Unitayaa medooyinkan dambe ku daba joogay lix ruux oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaas oo soo galay dalka Maleysia.

Waxa ay sheegeen in kooxdani ay qorsheynayeen in ay saldhig ka sameystaan dalka Maleysia islamarkaana ay ku qariyaan ragga Shabaabka ee wadanka soo gala.

Sirdoonka ayaa helay xog ku saabsan qorshaha raggan kadib markii ay qabteen soomaaligan 34-jirka ah oo ay booliska aduunka baadi-goobayeen.

Waa markii ugu horeysay soomaali xiriir la leh Al-Shabaab oo caalanka laga doon-doonayo lagu qabto dalka Maleysia oo ay soomaali badan ku sugan yihiin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada