Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo la magacaabay

daajis.com:-Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyada ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo ahaa xilka kaliya ee ka banaanaa jagada sare ee Gobolka Banaadir ayaa maanta la magacaabay, kadib markii xilkaas uu iska casilay Kamaal Dahir Xasan (Kamaal Gutaale).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa waxaa xilkaas loogu magacaabay Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geel), kaasoo bedelaya ninkii xilkan iska casilay oo mudadii uu magacwnaa aanu xafiiska marna soo xaadirin.


Maxamed Aadan Guuleed oo loo magacabay xilkii uu diiday Kamal Gutaale

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyada ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo ahaa xilka kaliya ee ka banaanaa jagada sare ee Gobolka Banaadir ayaa maanta la magacaabay, kadib markii xilkaas uu iska casilay Kamaal Dahir Xasan (Kamaal Gutaale).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa waxaa xilkaas loogu magacaabay Maxamed Aadan Guuleed (Caanogeel), kaasoo bedelaya ninkii xilkan iska casilay oo mudadii uu magacwnaa aanu xafiiska marna soo xaadirin.
Afhayeenka cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Showqi ayaa saxaafada u aqriyay wareegtada lagu magacaabay Gudoomiye kuxigeeka dhinaca siyaasada Maxamed Aadan Guuleed (Caano Geel) oo ka mid noqonaya saddexda kuxigeen ee uu leeyahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Maxamed Aadan Guuleed oo loo yaqaano Caano Geel waxaa uu ahaa burburkii kadib Tafaftiraha Wargeyska maalin walba ka soo bixi jiray Magaalada Muqdisho ee Xog-Ogaal, waana wargeys aad u af dheera, kadib 2000 ayuu dalka ka tagay oo uu degay dalka Ingiriiska.

Afhayeenka cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Showqi ayaa saxaafada u aqriyay wareegtada lagu magacaabay Gudoomiye kuxigeeka dhinaca siyaasada Maxamed Aadan Guuleed oo ka mid noqonaya saddexda kuxigeen ee uu leeyahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha gudaha uu la tashi la sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxaana ay isla garteen in Mr Maxamed Aadan Guuleed uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Kamaal Gutaale oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyad ayaa diiday xilkan Kuxigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasada, inkastoo markii uu warqadiisa istiqaalada u gudbiyay Madaxweynaha aanu sheegin sababta uu ku diiday xilkan, balse waxaa uu ku waayay xilkaas jagadiisii Agaasimaha Madaxtooyada.

Dhamaadkii Bishii Febraayo ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud uu xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxaana uu xilkaas ka qaaday Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo wixii ka dambeeyay si guud loo bedelay kuxigeenadiisa iyo Gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir, taasoo ka dhigtay in xubnaha xilalka ka qabtay Maamulka ay noqdaan Dhiig cusub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada