Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay Soomaaliya: SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay Soomaaliya: SAWIRRO

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyey Shirkii ugu horreeyey ee fulinta heerka sare ee Madashada Saaxiibada (The first High Level Partnership Forum (HLPF) executive meeting, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Madasha oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 15 Safiir iyo wakiillo wakaalado caalami ah, waxaa dib loogu eegay horumarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo taageerada la xiriirta ee Beesha Caalamka si loo xaqiijiyo howlihii Barnaamijka Hiigsiga Cusub, Aragtida Fog ee 2016 iyo Ujeeddooyinkii Nabad iyo Dowlad Dhisid (The New Deal Compact, Vision 2016 and the Peace and State building Goals).

Madashu waxa ay kormeer u tahay Fulinta Barnaamijka Heshiiskaas waana meesha ugu muhiimsan ee looga hadlo ahmiyadaha nabadda iyo dowlad dhisidda Soomaaliyeed inta u dhaxeysa 2013 iyo 2016. Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an in ay waafajiyaan taageeriddooda Soomaaliya mudnaanta heshiiskaas ee ay Soomaaliya u baahantahay sida: Wadahadalka Siyaasadda ee loo dhan yahay, Nabadgelyada, Cadaaladda, aas-aaska dhaqaalaha, dakhliga iyo deegga.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, Waxa uu yiri, “ Maanta Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay ay sii adkeeyeen go’aankoodii ahaa in horey loogu sii socdo si deg deg ah. Waxaa jira arrimo badan oo in la qabto loo baahan yahay khatartuna wey badan tahay”.

Madaxweynaha oo Madasha hadal ka jeediyay ayaa caddeeyey in Dowladda Federaalku ay wax badan ka qabatay ujeeddooyinka lagu heshiiyey. Waxqabadka la soo bandhigay waxaa ka mid ah xoreynta laga xoreeyay dhibkii Al-Shabaab 3 milyan oo qof oo deggan 9 magaalo iyo 6 gobal.Qaababka taageerada lagu xoojinayo taageerada horumarinta sida Unugga iskubadrididda Gargaarka (Aid Coordination Unit) iyo Sanduuqa Horumarinta iyo Dib-u-dhska Soomaaliyee ( and the Somali Development and Reconstruction facility) oo la sameeyayey si loo hubiyo garagaarkii Soomaaliya loo ballan-qaaday in la iskuduwey lana ilaaliyey. Haddaba si loo helo hufnaan iyo maamul maaliyadeed oo wanaagsan, Bankigii Dhexe ayaa boorka laga jafay, iyada oo la magacaabay Guddoomiyihii Bankiga, Ku-Xigeenka Guddoomiyaha iyo Golaha Maamulka Bankiga iyo Guddiga Maamulka maaliyadeed iyo waliba Guddiga kormeerka maaliyadeed.


Horumarka Kaabayaasha waxaa ka mid ah 35 KM oo jidad Magaalada Muqdisho dhexdeeda ah, mashruucyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Dhisidda Xarun-maamuleedka degmooyinka, Maxkamadaha, saldhigyada Booliska, isbitaallada iyo ceelal biyaha oo laga billaabey Jowhar iyo Marka. Sanduuqa Deeq-bixiyeyaasha badan ee Qaramada Midoobay (The United Nations Multi-donor Trust Fund) waa mid shaqeynaya oo lacagtii waxa ay billowday in ay ku soo qulqusho khasnadda middaas oo wax katareysa shaqada bankiga Dhexe. Kooxo Shaqo oo ka shaqeynaya ujeedooyinka shanta (5) ah ee nabadda iyo dowlad-dhisidda ayaa la dhishay kuwaas oo kujira howlo la taaban karo oo ah barnaamijo la fulin karo. Qorshaha lagu gaarsiinayo Aragtida 2016 Goballada si loola tashto ayaa heer gabogabo ah maraayo.Madaxweynuhu waxa uu yir ‘ Soomaaliya wey xaqiijineysaa ujeeddooyinka Hiigsiga Cusub. Waxaa farxad noo ah in aan maanta kala doodno saaxiibadeenna Beesha caalamka qorshoyaasheenna si wadajir ah uga baaraandageyno wixii la qabtay. Ujeedooyinku waxa ay u baahan yihiin qorshe iyo howl adag si ay xaqiiqo u noqdaan. Bilo badan ayay naga qaadatay in aan dhameystirno qorsheyaasha iyo istaraatiijiyooyinka muhiimka u ah in la hubiyo marka ay barnaamijyadan miro dhalayaan Soomaaliya oo dhan iyo in ay yihiin kuwii saxda ahaa ee isbeddelka sameyn lahaa.

Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale yiri “ maanta waxa aan ka faa’ideysaneynaa halka aan mareyno waxaana naga go’an lixda meelood ee u baahan xalka deg degga ah. Lixdaas meel waa: Dhammeystirka Hiigsiga 2016, sameynta Guddiga Federaalk, Guddiga Doorashooyinka, Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka, sameynta maamullada KMG ah ee degmooyinka iyo sameynta guddiyada nabadgalyada ee meelahaas”
“Waxaa na horyaalla ajandayaal waa weyn waxaana fileynaa la shaqeynta saaxiibadeen dhammaan hey’adaha Dowladda iyo saaxiibadeenna caalamiga ah si loo helo natiijo lagu dhiso Soomaaliya oo sidan ka wanaagsan” ayuu Madaxweynuhu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.  


Dhamaad-
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada