daajis.com:-Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ah biriq gelinkii dambe ee maanta ku dhacday meel ku dhow deegaanka Biyo Cadde oo 40km dhinaca Bari ka xiga magaalada Jowhar.
Wararka ka imanaya deegaanka Biyo Cadde ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay biriqda ay gaartay saddex ruux kadib markii qaar kamid ah dadkii dhaawacyada soo gaaray ay geeriyoodeen.
Dadka waxyeeladu ka soo gaartay biriqda ayaa ahaa dhaliyaro ku ciyaaraysay meel fagaare ah ee deegaanka Doom Cadale ciyaarta loo yaqaan Kabdhoodka ama fallaar tuur.

Roobabka ka curtay gobolka Sh/dhexe ayaa sidoo kale sababay in ay xirmaan qaar ka mid ah wadooyinka isku xira degmooyinka gobolka Sh/dhexe.
Xilliga guga ayaa ka curtay deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyadoo roobkana ay ku diirsadeen dadka iyo xoolaha maadaama xilliga jiilaalka laga soo gudbay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:40 and have
, Published at