Guurka Shisheeyaha ma godob Gabdha Soomaaliyeed u gaar ah baa?

Guurka Shisheeyaha ma godob Gabdha Soomaaliyeed u gaar ah baa?

daajis.com:-Guurka laran ama iskudhafka ah (mixed marriage) waa guur dhaxmara labo ruux oo ka kala yimid dhaqamo, qaramo, sinjiyo iyo diimo kala duwan.Aaalaaba, guurka nuucani ahi waa inuu u dulqaad u yeeshaa qodqodidda qoysaaska lamaanaha iyo bulshada ay ku dhax nool yihiin intaba.

Soomaalidu waxay tiraah: Guur sokeeye maleh ama guur waa calaf, qof kasna cidda uu nolosha la qaybsanaayo waa wax asaga ama ayada u gaar ah. Runtii, waxba  kuma  jabno guurka laran sida la wada ogsoon yahay, tusaale wacanna waxaa noogu filan in 2 ka mid ahaa umuhatul muminiinta ee uu nabigeena cs uu guursaday aysan carab ahaynin, kuwaasoo kala ahaa:

1.Safiya Binti Xuyeey ee uu dhalay nabaddoonkii tribal chief) qaabiilkii Yahuudda Banu Nadhiir, laguna dilay dagaalkii Khaybar 628dii m. Waana muslimtay.

2.Maariya Binti Shamcuun waxay addoon u ahayd Taliyahii dalka Masar ayada iyo walaasheed Serine oo ka dhashay qoys masiixi ahaa (coptic Christian),wuxuu labadaba hadiyad ahaan ugu soo diray nabiga cs oo guursaday Maariya oo muslimtay, waana hooyadii wiilkii rasuulka ee Ibraahim ahaa.
Soomaalidu kama diimoono guurka laran, rag faro badan oo bulshadeena magac iyo maamuus intaba ku dhax lihi waxay guursadeen haween shisheeye ah ama ka soo jeedo, waana dookhooda iyo calafkooda. Raggaas waxaa ka mid ah:
  1. Madaxweyne-ku-xigeenkii 1aad ee J.F. Soomaaliya  Maxamed Cali samatar Missioniyad (mulatta).
  2. Taliyahii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed: Maxamed Abshir Muuse Hindiyad.
  3. Wasiirkii Garsoorka iyo Arrimaha Diintta iyo Awqaafta: Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe Misriyad.
  4. Wasiirkii Warfaafinta ee Soomaaliya sannadkii 1969kii: Ismaaciil Jimcaale Cosoble Talyaaniyad.
  5. Wasiirkii gaadiidka dhulka iyo cirka: Jaamac Gaas Mucaawiye Ingiriisiyad iyo Carabiyad.
  6. Guddoomiyihii Hoggaanka Iskaashatooyinka X.H.K.S Warsame  (indhoole) Talyaaniyad
  7. Xildhibaanka Kamakunji Baarlaanka Kenya: Yuusuf Xasan Cabdi Ingiriisiyad.
  8. Duuliyihii ugu horreeyay ee Soomaaliya: Axmed Sheekh Macoow Talyaaniyad.
  9. Duuliyahii Diyaaraddii ku dhacday Degmada Balcad: Cali umul Talyaaniyad.
  10. Garsoorahii Maxkaddii Sare ee Soomaaliya: Axmed Islaw Cumar Cali Talyaaniyad.
  11. Qoraa weyn ee Soomaaliyeed: Nuuruddiin Faarax Hindiyad iyo Mulatta.
  12. Orodyahan asalkiisu Soomaaliga yahay: Mo Faarax Mulatta Ingiriisiyad ah.
  13. Garyaqaan Soomaaliyed: Cusmaan Kamoole Muufa Austriyaanad.
  14. Dhakhaatiirtii Isbitaalka Digfeer: Da,uud Axmed Shuqul Jarmalad.
  15. Turjumaan af hollandeeska: Cali Yaxye Sheekh Cali Holladeesad.
  16. Turjumaan afka Jarmalka M.  Cali Khayre Baljiyad
  17. Axmed Washington Jarmalad
  18. Axmed Mayow Jarmalad.
  19. Maxamed Yalaxoow Jarmalad.
  20. Taliye-ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Cusmaan Cumar Wehliye GASGAS Talyaaniyad.
  21. Barayaashi Jaamacadda Ummadda: Professor Tuuryare Ruusiyad.
  22. Gabyaaga Afka Ingiriis ee asalkiisu Soomaaliga yahay:       Professor Maxamuud Siyaad Togane Kanayiad.
  23. Jilaagii weynaa ee riwaayadaha Banaadiriga: Xaaji Iikar Leeb Talyaaniyad.
  24. Dr. Cabdulqaadir Cumar Cosoble Jarmalad.
  25. Cabdi Daahir Mbeya Ingiriisiyad.
Waxaa yaab leh in ragga kor ku xusan oo haweenka shishiiyaha ah guursaday inaysan jirin cid dookhooda ka hadashay. Hase yeeshee, marka hablheena ay nin ajnabi ah ay guursadaan lagu furo dacaayad raqiis ah, ayadoo la leeyahay ma ragga  Soomaaliday mid u qalmo ka waayeen? Mase waa iska weynaysiinayaan? ama waxaa loo gaystaa aflagaaddo aysan mutaysan.

Xataa waxaa loo soo dhacay gabdhahii masaajidka rag muslimiin ajaanib ah u doontay, laguna tixgelinin rabitaankooda qof ahaaneed, ayadoo Soomaalidu dhahdo: Uur hooyo waa bad. Sida badda xayawaano kala duwan uga soo baxaan ayaa uurka hooyada wuxuu walaaleeyaa ilmo kala waddan, qabiil, midab, iyo diin ah.

Waxaan garanaayay hooyo Soomaaliyeed oo dhashay carruur isugu jirta Soomaali, Talyaani, Jarmal iyo Sawaaxili Kenyaan ah.

Haddaba, yaanaan gabdhaheena ku fiirin indho ka duwan kuwa aan wiilasheena ku eegno, kan dhowrno carrab dalab leh, una dhaayno dookhooda iyo rabitaankooda qof ahaaneed.

Axmed Moxamed (Axmed Taajir)

xigasho:-Warfaafiye 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada