Haweeneydii hogaamineysay weerarkii Westgate oo la sheegay inay guursatay Sarkaal ka tirsan Shabaab

Haweeneydii hogaamineysay weerarkii Westgate oo la sheegay inay guursatay Sarkaal ka tirsan Shabaab

daajis.com:-Haweeneydii u dhalatay dalka Britain ee hogaamineysay weerarkii Westgate Samantha Lewthwaite ayaa la sheegay inay guursatay sarkaal Soomaali ah oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-Shabaab.
Haweeneydan oo lagu naaneyso White widow (Carmaladii Cadeyd) ayaa guursatay sarkaal lagu magacaabo Xasan Macalin Ibraahim oo loo yaqaano (Sheekh Xasan), kaasoo la sheegay inuu hogaamiyo guutooyin ka tirsan Shabaab.
Samantha Lewthwaite ayaa door weyn ku laheyd weerarkii Al-Shabaab ku qaaday rugta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 67 ruux.
Wargeyska Daily Mirror oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray in Samantha ay u guursatay ninkan si uu ammaankeeda u ilaaliyo.
Carmaladii cadeyd (White Widow) Samantha Lewthwaite
Carmaladii cadeyd (White Widow) Samantha Lewthwaite
Samanta ayaa horay u soo guursatay labo nin kale oo uu ku jiray Germain Lindsey oo fuliyay weeraradii lagu qaaday boosteejada tareenka magaalada London bishii July 2005-tii.
Haweeneydan oo ah haweeneyda aduunka loogu doon-doonis badan yahay, waxaana ay Ingiriiska ay ka tagtay sanadkii 2007-dii, iyadoo tagtay Kenya iyo Koofur Afrika oo ay heysatay baasaboorka dalkaas.
Sirdoonada reer galbeedka ayaa aaminsan in haweeneydan ay ku sugan tahay Soomaaliya, waxaana ay ku sugan tahay gobolka Baay, sida uu qoray wargeyska The Daily Mirror.
Ninkan ayaa la sheegay inay awood badan ku leeyahay deegaanka, isla markaana gacanta ku haayo dagaalyahano ku heyb ah.
Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda ay ku nooshaya tuulo lagu magacaabo Nasable oo 25-Km u jira magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in haweeneyda ay ilaaliyaan dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan guutada naftood hure-yaasha ee loo yaqaano Istish-haadiyiinta, waxaana ay xirataa dhar madow, si aan loo garan midibka jirkeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada