Dowlada Federalka oo diiday shirka dib u celinta qaxootiga

Dowlada Federalka oo diiday shirka dib u celinta qaxootiga

daajis.com:-DF ayaa ku gacan seertay ka qeyb galka Shir maanta Nairobi lagu qaban lahaa oo looga hadli lahaa dib u celinta qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xaaladda haatan ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed aanay u saamaxayn inay ka qeybgasho shir ka dhacaya Kenya.

Warqad ay soo qortay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo BBC-du heshay ayaa lagu sheegay in xiritaanka iyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed aysan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ee qaxootiga.

Xirirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inuu saamayn ku yeeshay howlgalka ciidammada Kenya ay ka wadaan xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay.


Kenya ayaa ilaa haatan dib u celisay dhowr boqol oo ruux oo Soomaali ah oo ay sheegtay inay dalka sharci darro ku joogeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada