Dhageyso:- Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarkii Jabuuti Ee Khasaaraha Dhaliyay.

Dhageyso:- Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarkii Jabuuti Ee Khasaaraha Dhaliyay.

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay mas’uuliyadii weerarkii habeenkii sabtida ka dhacay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti, kaasoo ahaa weerar ismiidaamin lala beegsaday maqaaxi caan ah oo ay u badan yihiin dadka ajnabiga.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id u qabtay qaar ka mid ah warbaahinta Shabaab ayuu ku sheegay in weerarkii Jabuuti uu ahaa mid ay iyagu ka dambeeyeen.
Cali Dheere ayaa sheegay inay beegsadeen saraakiil ka tirsan NATO inay ku beegsadeen hoteel ay ku caweynayeen oo ku yaal magaalada Jabuuti.
“Mujaahidiinta waxaa Alle u suura geliya in xamlo weerar ku qaadaan meel ay ku caweynayeen ciidamo aad u fara badan oo NATO, ayaga ku caweyn jiray, halkaas ayay mujaahidiinka ka geysteen dhowr qarax oo is xig xiga ayaga ayaa alle ku asiibay”ayuu yiri Cali Dheere oo xusay in muddo dheer ay raadinayeen meel ay ku kulansan yihiin saraakiisha NATO sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in Jabuuti ay ka mid aheyd dalalka safka hore ee ciidamada u soo diray, isla markaana iyagoo taa ka duulayay ay weerareen sida uu yiri.
Afhayeenka Shabaab ayaa ku eedeeyay dowladda Jabuuti inay u ogolaadeen quwadaha reer galbeedka in dhulkooda ay kaga duulaan wadamada Muslimiinta, isla markaana ay saldhigyo milateri ku leeyihiin.
Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii ay ka geysteen maqaaxida Jabuuri ay ku dileen ilaa 35 ruux oo isugu jira wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

“Shan wadan oo u badnaa Faransiiska oo waliba mujaahidiinta bartilmaameed u ahaa ayaa ku dilnay weerarkaas, waxaa ka mid ah Mareykanka, Jarmalka Holland iyo Belgium”ayuu yiri Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay in si gaar ah weerarkaas ugu dileen labo sarkaal Farasiis ah, isagoo ku eedeeyay Faransiiska inuu duulaan ku yahay muslimiinta Afrika ku sugan.
Sidoo kale Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkan uu yahay fariintii u horeysay, isagoo cadeeyay in reer Jabuuti ay u aqoonsan yihiin inay muslimiin yihiin, isla markaana iska ridaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida uu yiri.
“Ma dhaceyso inaad hoteelada ku caweysaan iyo inaad muslimiinta dhibaato u geysataan, NATO waxay safka hore ka tahay duulaanka Umada Soomaaliyeed”ayuu yiri Cali Dheere.
Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Al-Shabaab ka geystaan dalalka gobolka, waxaa ay horay u sheegteen weeraro ka dhacay dalalka Uganda iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada