daajis.com:-Afhayeenka Booliska Soomaaliya Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka muwaadin Turki ah oo gelinkii dambe ee maanta lagu dilay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Dabley hubeysan oo watay gaari ayaa ku dilay agagaarka Isgoyska KM4 muwaadinkan u dhashay Turkiga oo magaciisa lagu sheegay magacaabayay Saadettin Doğan, kaasoo isna watay gaari.
Col. Qaasim ayaa sheegay in ciidamada booliska ay wadaan baaritaan, isagoo ku eedeeyay in dilka muwaadinkaas ay ka dambeeyay waxa uu ugu yeeray Kooxo Argagixiso.
“Arrinta dilka loo geystay nin Turki ah, waxaa ka dambeeyay kooxaha argagixisada, waa ku raad-joognaa, Turkiga Soomaaliya u soo gurmaday waa ogtahay waa dal aan walaalo nahay”ayuu yiri Afhayeenka booliska oo la hadlay idaacada BBC.
Sidoo kale Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonaan baaritaanada socda iyo baadigoobka ay wadaan, isla markaana ay hayaan warar xog ogaal ah oo la xiriira dilkaas sida uu yiri.
“Ciidanka nabadgelyada ayaa daba jooga, waana la soo qaban doonaa, waxaa rajeyneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo gaba gaboobo, falka noocaas ah 24-saac gudahood wuxuu booliska sameeyaa ka hor tag iyo ka daba tag, waana soo bandhigi doonaa wixii baaritaanka ka soo kordha”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Col. Qaasim
Muwaadinka Turkishka ee la dilay ayaa qaabilsanaa qeybta ammaanka ee shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines xafiiskeeda Muqdisho, waxaana lagu magacaabayay Saadettin Doğan.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Kani Torun ayaa ugu baaqay hey’adaha ammaanka dowladda inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dilkaas, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay dilka muwaadinka Turkiga ah.
Hey’adaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada howlo sama fal iyo mashaariic isugu jira, iyadoo dilkan uu noqonayo kii u horeeyay oo toos ah muwaadin Turki ah lagu dilo Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilka muwaadinkan Turkiga oo ahaa madaxa ammaanka shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:50 and have
, Published at