Ciidamadii Dowlada ee Al-Shabaab ka difaacay Xarunta Golaha Shacabka oo Maanta la dalacsiiyay

Ciidamadii Dowlada ee Al-Shabaab ka difaacay Xarunta Golaha Shacabka oo Maanta la dalacsiiyay

daajis.com:-Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday in la dalacsiiyay Ciidamadii Booliiska ee la dagaalamay Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee labo maalin kahor weerarka ku qaaday xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) oo maanta kormeer kutagay Xarunta Golaha Shacabka ayaa halkaasi kula kulmay Ciidamo katirsan Booliiska oo u xil saaran ilaalinta Xarunta Golaha Shacabka dhawaana dagaal kala hortagay kooxihii Shabaab katirsanaa ee xaruntaasi weeraray.

Jen. Saacid ayaa aad u amaanay geesiyaal qarana ku tilmaamay ciidamadii booliiska ee la dagaalamay Kooxihii hubeesnaa ee katirsanaa Al-Shabaab , waxa uuna halkaasi min labo darajo ku dalacsiiyay Ciidamii booliiska ee Al-Shabaab ka difaacay xarunta Baarlamaanka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay inaan marnaba la ilaawi doonin Ciidamadii booliiska iyo kuwii nabad sugida ee ku dhintay Weerarkii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka iyo kuwa kale oo ku dhintay difaaca qaranka , waxa uuna tilmaamay in askartii u geeriyootay difaacidda dalka loo sameyn doono astaamo qaran oo lagu xasuusto.

Taliyaha Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in Guddi uu u saaray Ciidamadii ku dhintay Weerarkii Xarunta Baarlamaanka uu tiradooda ku sheegay 8-Askari oo katirsan booliiska iyo hal askari oo katirsan Nabad Sugida , waxa uuna tilmaamay Taliyaha in Ciidamadaasi dhintay eheladooda ay heli doonaan xaquuqdii ay lahaayeen.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa labo maalin kahor ku guuleestay in ay ka hortagaan Rag katirsan Al-Shabaab oo weerar isqarxin iyo mid toos ah ku galay xarunta Golaha Shacabka waxaana halkaasi ku dhintay tiro kamid ah Ciidanka Dowlada halka kuwa kalana ay ku dhaawameen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada