Hogaamiyahii Hore Ee Militerika Masar El-Sissi:- Ikhwanul Muslimiin Kama Jiri Doono Masar

Hogaamiyahii Hore Ee Militerika Masar El-Sissi:- Ikhwanul Muslimiin Kama Jiri Doono Masar

daajis.com:-Taliyihii hore ee milatariga Masar General Abdel-Fattah el-Sissi ayaa sheegay in Ururka Ikhwaanul Muslimiin aanu wax mustaqbal ah ku lahayn Masar haddii uu isagu ku guuleysto doorashada madaxweynenimada ee dhacaysa bishan aakhirkeeda.
 
Sissi ayaa si weyn loogu badinayaa inuu ku guuleysan doono tartanka madaxtinimada, waxaana uu wareysi uu bixiyey ku sheegay in Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo madaxweynihii la afgembiyey Mohamed Morsi ay u dhamaatey.
 
Waxaa uu sheegay in shacabka Masaarida ay diideen Morsi iyo ururkiisa Ikhwaanul Muslimiin, taasina ay ku muujiyeen banaanbaxyadii balaarnaa ee ay dhigeen 30-ka bishii June ee sannadkii tegey.
 
Madaxweyne Morsi ayaa talada laga tuurey bishii July sannadkii hore markii dadka ka soo horjeeda ay ku eedeeyeen inuu awoodda isku koobayo, kuna guuldareystey inuu wax ka qabto dhaqaalaha waddanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada