Howl galo ciidamada ammaanka ay ku dileen rag hubeysan oo caawa ka socda Muqdisho

Howl galo ciidamada ammaanka ay ku dileen rag hubeysan oo caawa ka socda Muqdisho

daajis.com:-Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii u dambeeyay qaaday howl galo culus, iyadoo caawa ciidamada ay ku dileen xaafada Juungal nin hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo la dagaalamay ciidamada.
Howl galkan oo ay si wada jir isaga kaashadeen ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa caawa fiidkii ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafada Juungal, waxaana ciidamada oo ku sugan bartilmaameed ay galeen guryo.
Wararka ayaa sheegaya in howl galada ay caawa ka socdaan xaafado badan, inkastoo aan wax war ah ilaa iyo hada laga heyn, hase ahaatee meelaha howl galada ka socdeen sida degmada Dayniile, Huriwaa, Yaaqshiid iyo xaafado ku teedsan jidka Warshadaha lagu arkay ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamuud Cadaawe ayaa sheegay in howl galka ciidamada ay sameeyeen lagu dilay sarkaal ka tirsan Shabaab oo deegaanka caan ka ahaa, isla markaana la qabtay labo kale, isagoo xusay inuu la dagaalamay ciidamada.
“Ciidamada howl gal ay sameeyeen waxaa lagu soo qabtay labo nin, mid kalena waa la dilay, markii uu dagaalamay, halkan waxaa ka arkeysaan bastoolad nuuca makaarifta”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo la hadlay warbaahinta.
Howl galadan oo la sheegay inay ka socdaan xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa jawaab u ah weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka, waxaana saraakiisha ammaanka amar ku bixiyeen in la qaado tallaabooyin dhinaca ammaanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada