Kacdoonkii Mooska Oo Lasheegay Inuu Ahaa Mid Qorshaysan.

Kacdoonkii Mooska Oo Lasheegay Inuu Ahaa Mid Qorshaysan.

daajis.com:-ESPN ayaa shaaca ka qaaday in qorshihii kacdoonka mooska ee aduun waynaha qabsaday maalmihii  u danbeeyay inuu ahaa mid horay loo qorsheeyay si looga hortago midab takoorka oo soo badanaya.

Neymar ayaa la sheegay inuu midab takoor lakulmay kulan kii Derby Catalonia ee Barcelona v Espanyol isagoo markaas kadib xiriir la sameeyay dad badan si uu u helo qaab haboon oo uu uga hortagi karo midab takoor kaan lakiin mid ka mid ah shirkadaha ree Brazil ayaa ku gacan siisay qaban qaabada kacdoon qorshaysan oo loogu magac daray “Dhamaanteen waxaan nahay daanyeero”.
Guga Ketzer oo u shaqeeya wakaalad Brazil laga leeyahay ee ku shaqo leh suuq gaynta ayaa xaqiijiyay in qorshaha “Dhamaanteen waxaan nahay daanyeero” uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyay ugu yaraan bil ka hor.
Guga Ketzer ayaa yiri “Dhacdadaan Waxay u dhigantay kun hadal oo qabow, uma baahnayn wax fasiraad ah, waxaana aragnay dhamaan aduun waynaha qaabkii uu uga jawaabay, qorshuhu wuxuu ahaa Neymar inuu cuno mooska lakiin Alves ayaa si ka fiican u fuliyay qorshaha”.
“Xaaladaan waa sida magacyada qaabka maldahan loo adeegsado oo kale, mar walba oo aad sii xanaaqdo waxay sii kordhinayaan midab takoor ka, wadada ugu fiican waa in si adag halmar looga hortago  si aysan markale u soo laaban”.
“Markii lagu abuuray goobaha xiriirka bulshada kacdoon kii “Dhamaanteen waxaan nahay daanyeero” si qabow ayuu isku badalay moos cunowga”.
Dhamaan intabadan ciyaartoyda kubadda cagta ayaa si wayn uga qayb qaatay kacdoonkii “Dhamaanteen waxaan nahay daanyeero” iyadoo la arkayay xitaa rag badan oo siyaasiyiin ah oo ka qayb qaadanaya kacdoon kaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada