Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu weyneynayay Itoobiyada cusub

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu weyneynayay Itoobiyada cusub

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Xubno ka torsan Dowlada Soomaaliya.


Munaasabdan oo maanta oo kale si weyn looga dabaaldego dalka Ethiopia, islamarkaana Qowmiyadaha reer Ethiopia ay u aaminsanyihiin maalin ku weyn, maadama ay ugu magacdareen Itoobiyada cuusb wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii xiligaasoo ay aheyd markii uu xukunka qabtay Ra’isulwasaarihii geeriyooday ee Meles Zanawi.

Danjiraha dowlada Ethiopia u fadhiya Soomaliya ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Madaxda Soomaalida saaxiibtinimada dhow ee kala dhaxeysa dalkiisa, isagoo xusay in 23 sano kaddib ay Ethiopia horumar ka agartay dhinacyo badan sida waxbarshada dhaqalaha gaadiidka iyo dhinacyo kale.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Ethiopia Maalinta Qaran oo ay xusayaan.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri “Maanta waxaan kala soo qeyb galnay safiirka iyo diblomaasiyiinta safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya xafladda ay ugu dabaaldegayaan 28-ka May oo ay ku magacaabeen maalintii guusha, maalintii guusha waxa ay ahayd maalin taariikhda Ethiopia wax badan ay isbadaleen, Itoobiyada cusub ee maanta ay dhalatay, waa maalintii ay Ethiopia ay ku guuleysatay sideetan iyo dhowr qowmiyadood iyo boqol milyan dad ka badan in la isku hayo, oo hal dowladda, hal calan iyo hal Xukuumad oo leh hal siyaasad inay yeeshaan, howl sahlan ma ahayn, intaasi oo qowmiyadood oo luuqadahooda kala duwanyihin, kala diin ah, kala dhaqan, in intii la isu keeno oo hal Qowmiyad laga dhigo howl sahlan ma ahayn, waxay nooga baahantahay waxyaabo badan oo aan ku daysan karno, dhibka loo maray intaas in la sameeyo uma baahnin anagga, ma qabno dhibkaas, qowmiyado kala duwan, kala dhaqan ah, kala diin ah, kala muuqaal ah, xataa in la isku hayaa, haddii ay suurta gal tahay in lagu guuleysan karo, anagoo Soomaali ah 100% isku diin ah, isku dhaqan ah, isku muuqaal ah, isku luuqad ah, wax walba isaga mid ah, in aan noqon wayno Qowmiyad mid ah, waa ducfi ummadda Soomaaliyeed ay leedahay, waana ka baxnay markaan Ilaah idinkiis”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed xusuusiyay sida loogu bahaanyahay in dalalka deriska lana ah ay kaga deydaan horumarada lataaban karo ee ay sameynayaan xiliba xiliga ka dambeeyay
“Maanta haddii aan doono Ethiopia in aan wax ka soo deyn sano, aqoon haddii aan ddoono in aan ka soo deyn sano, aqoon afkii Soomaaliga ah ku qoran aan ka soo deyn san karnaa, siyaasadaha beeralaha lagu maamulo, siyaasaadka amniga, haddii aan doono adduunyada wax badan ayaa lakala deyn sadaa oo lkala qaataa, in aan maanta Ethiopia ka doonano tii oo Af-Soomaali ku qoran ayaan heleynaa oo aan nooga baahneyn turjumaad, haddii shalay loo arkayay in ay dhibaato iyo ay taalo maanta waxaan u badal wanaag” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dadka reer Ethiopia ayaa sanad weliba marka laagaro 28-ka bisha May u dabaal dega xuska markii Xukunka laga tuuray maamulkii Mingiste iyo lawareegidii talada dalakasi ee Miles sanawi

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada