Shirkad Shisheeye oo Sanado badan kadib Shidaal iyo Gaas ka baareysa Degmada Afgooye !(Warbixin)

Shirkad Shisheeye oo Sanado badan kadib Shidaal iyo Gaas ka baareysa Degmada Afgooye !(Warbixin)

daajis.com:-Shirkada Kilimanjaro Capital oo fadhigeedu yahay Belize ee koonfurta Amerika ayaa sheegtay inay bilaabi doonto mashruuca Gaaska iyo Shidaalka laga soo saarayo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Shirkada Kilimanjaro Capital ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2013 heshiis kula wareegtay mashruuca Gaaska Afgooye oo ay dowlada Federaalka horey ugu saxiixday Shirkada lagu magacaabo AMSAS.

Heshiiska cusub ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka 51% ku leedahay mashruucan halka shirkada Kilimanjaro ka helayso 5%, inta kale dhaqaalaha kasoo bixi doona mashruucaasi ayaa u qoran inay helayso shirkada heshiiskii 1aad leh ee AMSAS.

ACA BLOCK oo ah ceelka la doonayo in laga qodo Afgooye ayaa horey baaritaan loogu sameeyey xiligii 60kii, waxaana xiligaasi bilaabay shirkadii Somal Sinclair, wakhtigii Dowlada Militariga ayaa la Qarameeyey ceelkaasi mashruuciisa, waxaana dib maalgelin loogu sameeyey dhamaadkii 80kii waxaana mashruucaasi maalgeliyey Bangiga Adduunka, walow uu soo dhexgalay dhameystirka mashruucan dagaalkii Sokeeye iyo Burburkii Qaranka Soomaaliya.

Deegaanka Afgooye ayaa la sheegay inay ku jiraan ugu yaraan 21 milyan oo fuusto oo shidaal ah iyo qiyaastii 130 Bilyan cabirka Gaas la iibgeyn karo.

Shirkadan Kilimanjaro Capital iyo dowlada Federaalka ayaa si qarsoodi ah u watay wadahadalkooda ku aadan bilaabida mashruucan Afgooye oo kamid ah deegaanadii laga saaray Al Shabaab.

Gobalka Shabeelada Hoose ayaa kamid ah goobaha weli sida weyn la isugu heysto oo ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo, dagaaladaasi oo ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Shirkada Kilimanjaro ayaa sheegtay inay sanadkan gudihiisa bilaabi doonto mashruuca isla markaana xooga saari doonto dhanka Amaanka iyo waliba isgaarsiinta deegaanka baaritaanka lagu sameenayo ee loo yaqaan ACA BLOCK oo ku fadhiya dhul cabirkiisu yahay 1,161,400 acres.

Dowlada Federaalka ayaa horey u sheegtay in soo saarista macdanta Soomaaliya u adeegsan doonto dib u dhiska dalka, balse mashaariicdan oo ah kuwo aysan dad badan wax kala socon, ayaa kusoo beegamaya xili dowlada Federaalka lagu dhaliilayo musuq maasuq iyo hay’adaha amaanka oo hawshoodii gabay.

Dhinaca kale mashruucan ayaa saameyn ku yeelan kara dadaaladii loogu jiray dhismaha maamulada Federaalka ee koonfurta Soomaaliya, xili aysan weli jirin heshiis laga gaaray Dastuurka Federaalka iyo waliba habka dhaqaale qeybsiga ee maamulada Federaalka iyo xukuumada dhexe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada