Ra’isulwasaaraha Xukuumadda oo magacaabay sii hayaha Wasiirka Amniga Qaranka Soomaliya Yaa Loo Magacaabay!!

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda oo magacaabay sii hayaha Wasiirka Amniga Qaranka Soomaliya Yaa Loo Magacaabay!!

daajis.com:-Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah xilka Wasiirka Amniga Qaranka u magacaabay inuu sii hayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

24kii bishan May ayey aheyd markii uu xilkan iska casilay Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed kaas oo waajibaadkii ka saarna amniga ku fashilmay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa caawa sheegay in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda uu u magacaabay sii hayaha Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isagu sidoo kale ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in muran ka taagan yahay cida loo magacabayo jagada Wasiirka amniga iyadoo la soo sheegayo in Raíisal wasaaruhu doonayo isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada oo wax ka yar 7 bilood dhisan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada