Daawo Sawirada:- Gabar Uur leh oo Qoyskeeda dhagax ku dileen Maxkamad horteeda kadib markii ay guursatay Nin ay Jecleed

Daawo Sawirada:- Gabar Uur leh oo Qoyskeeda dhagax ku dileen Maxkamad horteeda kadib markii ay guursatay Nin ay Jecleed

daajis.com:-Gabar 30-sano jir ah oo u dhalatay Dalka Pakistaan ayaa xubno kamid ah qoyskeeda waxa ay ku dileen dhagxaan xili ay hor joogtay Dhismaha Maxkamada Sare Magaalada Lahore ee Dalka Pakistaan.

Farzana Bibi oo laheed uur dhoor bilood ah ayaa dhagxaan si naxriis dara ah waxaa ugu dilay Xubno katirsan Qoyskeeda oo lagu qiyaasay in ay gaaraayeen labaatameeyo , waxa uuna dilkan ka dhashay kadib markii reerkeeda ka caroodeen guur ay la gashay wiil ay Jecleed oo qoyskeeda raali ka aheyn.

Ciidamada Booliiska ee Magaalada Lahore ayaa xiray xubno kamid ah Qoyska gabadha Dhagaxa lagu dilay uu ku jiro aabaheed, waxaa sidoo kale lagu daba jiraa soo qabashada xubno kale oo dilka gacan ka geestay.

Pakisntan ayaa kamid ah dalalka sida aadka ah looga qadariyo guurka haweenka iyo raga oo leesku dooro ,halka aan laga jecleyn gabdhaha iyo raga is jeclaada ee iyagu sida gaarka ah isu doorta , hasa yeeshee waxaa ku cusub Pakistaan in gabar maxkamad horteeda dhagax lagu dilo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada