Dowlada Maraykanka oo ku bixinaysa $5bn (£3bn) la dagaalanka argagaxisada

Dowlada Maraykanka oo ku bixinaysa $5bn (£3bn) la dagaalanka argagaxisada

daajis.com:-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in uu ku dhowaaqo in dowladiisu ay ku bixineyso lacag dhan $5bn (£3bn) la dagaalanka argagaxisada.
Lacagtan ayaa waxaa lagu caawin doonaa dowladaha ku yaal Bariga dhexe,Africa iyo Bariga Asia.
Obama ayaa lagu wadaa in uu ugaga dhowaaqo qorshahan qudbad uu ka jeedin doono akadeemiyada ciidamada Maraykanka ee West Point.
Hadal uu jeediyay Talaadadii ayuu Obama ku sheegay in ka soo saarista ciidamada Maraykanka ee dalka Afghanistan 2016ka ay fursad u siinayso in dhaqaale lagu bixiyo la dagaalanka waxa loo yaqaan argagaxisada.
Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ayaa u sheegay maanta CBS in siyaasada arrimaha dibada Maraykanka ay u wareegi doonto sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada caalamka.
Sidoo kale qudbada uu jeedin doono madaxweyne Obama ayuu kaga hadli doonaa siyaasada Maraykanka ee wadamada Iran,Syria iyo Ukraine.
Toddobaadkii hore ayaa Maraykanka waxa uu u diray dalka Chad 80 askari kuwaasoo gacan ka geysanaya sidii loo heli lahaa halka ay ku dambeeyeen gabdho arday ahaa oo laga soo qafaashay dalka Nigeria.
Qudbada uu jeedinayo Obama ayaa waxa ay qeyb ka tahay qudbado uu jeedin doono tobanka maalmood ee soo socota taasoo ah mid lagu doonayo in loogaga jawaabo siyaasada dowlada Maraykanka ee caalamka oo lagu tilmaamay mid daciif ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada