daajis.com:-Istaatistikadii laga uruuriyay shanta horyaal ee ugu weyn Yurub ayaa
soo bandhigeysa line-upka ugu fiican ama kooxda riyada ee ka qeybgaleysa
Koobka Adduunka.
Shirkada istaatistikada isboortiga ee Opta ayaa soo uruurisay
ciyaartoydii ugu waa weyn ee dhanta horyaal ee yurub ugu sareeya ee kala
ah England, Spain, France, Italy iyo Germany, waxaana ay ka soo saareen
ciyaartoyda ay tahay in isha lagu hayo Koobka Adduunka.
Waxa ay la soo baxeen ciyaartoy ku jiri kara ‘Kooxda Riyada’ kuwaasoo laga yaabo in xulalkooda ay Koob Adduun ku hogaamiyaan.
“11kaan waxaa lagu soo saaray istaatistiko kala duwan oo ciyaaryahan
kasta iyo booskiisa ah” ayuu yiri Duncan Alexander oo madax u ah Opta
qeybta UK oo u waramayay Reuters.
“Opta waxa ay uruurisay 250 cutubyo, waxaana ay rikoorgareysay 2000
data oo ciyaar kasta ah oo la dhiraan dhiriyay, laakiin waxaan heysanaa
aalad aan si sahlan ugu kala saari karno qaab ciyaareed ahaan.”
11ka Ay Tahay In La Daawado Koobka Adduunka:
Goolhaye: Thibaut Courtois (Belgium)
Daafac: Philipp Lahm (Germany), Diego Godin (Uruguay), Giorgio Chiellini (Italy), Leighton Baines (England)
Khad Dhexe: Arturo Vidal (Chile), Marco Reus (Germany), Yaya Toure (Ivory Coast)
Weerar: Luis Suarez (Uruguay), Lionel Messi (Argentina), Cristiano Ronaldo (Portugal)
Ma Ku Raacsan Tahay qiimeynteeda iyo soo xulitaankeeda 11kaan ciyaaryahan? Fekerkaaga hoos inoogu soo qor.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:20 and have
, Published at