Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabada xuska maalinta shaqaalaha ee 1-May: SAWIRRO

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabada xuska maalinta shaqaalaha ee 1-May: SAWIRRO

daajis.com:-Munaasabadaan lagu xusayay maalinta shaqaalaha Adduunka 1-da May oo maanta ku beegan, islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qaar ka tirsan Golaha Wasiirada.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay Hobollada Qaranka ee Waaberi ay halkaasi ku soo bandhigeen suugaan ay kaga hadlayeen qiimaha maalinta shaqaalaha Adduunka ay u leedahay Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ku dadaalli doonto sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqaalaha, isagoo xusay in ay wadaan qorsheyaal ku aadan sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna munaasabadda lagu weyneynayay maalinta shaqaalaha Adduunka hadal ka jeediyay, ayaa ugu horeyn hambaylo munaasabadda 1-da May awgeed u diray dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Dowladda oo uu Madaxweynuhu xusay in ay ku shaqeeyaan marxalad adag, ayna u dhabar adeegeen inay Qarankooda iyo bulshadooda u adeegaan.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta la qaybsado shaqaalaha Caalamaka dabbaal degyada iyo midnimada ay muujinayaan, maadaama uu ka soo qeyb galay xuska maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da May,  isago shaqaalaha ku booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan, dowladduna ay isha ku hayso xaaladda ay ku shaqeynayaan.


 FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada