Arimahaan Lamaantaada Ma U Sameysaa ? Tilmaamaha Diinta Na Fartay Ayaad Leedahay

Arimahaan Lamaantaada Ma U Sameysaa ? Tilmaamaha Diinta Na Fartay Ayaad Leedahay

daajis.com:-Haddii aad rabto in aad degto qalbiga xaaskaada waxaa lagu hayaa arimo fudud oo aad ku maamuli karto qalbiga xaaskaada.

Isu Qurxi Xaaskaada: Isugu qurxi xaaskaada sida iyadaba ay isugu kaa qurxiso ,mar waliba indhaheda ha arkaan quruxdada .

Ogaaw ilaah waxa uu yiri”Iyana waxa ay leeyihiin waxa lagu leeyahay”suuratul baqara aayada 228.

Qadari Oo Karaamey ehelkeeda: Qadarinta ehelkeeda waxa ay qeyb ka tahay qadarinta ay ehelkaada u hayso .

Ka Dhig ehelkeeda sida ehelkada oo kale ,waxa ayna tani sara u qaadeysa kalgaceylka idin dhaxeeya.

U Dhoola Cadey Marka Aad Guriga Timado: Dhoola cadeyn ilkaha muuqdaan qac uga sii marka aad guriga soo gasho .

Dhoola cadeynta waxa ay gil gileysa qalbiga xaaska .

Caa’isha RC ayaa la weydiiyay sida uu ahaa Rasuulka CSW marka uu guriga soo galo waxa ayna sheegtay in uu ahaa qof dhoola cadeya .

Ugu Yeer Xaaskaada Magacyada Kuwa Ugu Fiican: Uga farxi xaaskaada in aad ugu yeerto magacyo kuwa ugu macaan badan taasina waa adaabta Rasuulka CSW laga bartay .

Rasuulka CSW waxa uu xaaskiisa Caa’isha RC ugu yeeri jiray magacyo ay ka mid yihiin Caa’ish iyo xumeera quruxdeeda darteed.

Gurigaada Kalgaceyl Kuu Beer: Ninyahoow noqo nin gurigiisa u fiican ,kalgaceyl iyo naxariis ku beer .

Rasuulka SCW waxa uu yiri”Waxaa idin kugu aqayaar badan kiina idin kugu iqayaarsan xaaskiisa” Waxa wariyay Tarmedi .

Wanaag Kula Dhaqma:Xaaska waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loola tacaamulo oo wanaag ah oo ay ku jirto naxariis iyo dabacsanaan.

Alla SWT waxa uu yiri” Wanaag kula dhaqma”Baqaraha aayada 19-aad .

Caawi Xaaskaada:Xaaska oo aad ka caawiso howsha guriga waa qeyb ka mid ah naxariista mana ah nusqaanimo dhanka raganimada.

Caa’isha RC waxa laga soo wariyay in Rasuulka CSW in howsha guriga wax ka qaban jiray marka uu aadaanka salaadda maqlana uu bixi jiray.

Amaanteeda Badi: Haweenka aad ayay u jecel yihiin amaanta ,buun buuni quruxdeeda iyo wanaageeda tanina waxaa lagu tilmaamaa beenta xalaasha ah.

Hadiyad U Keen: Hadiyada waa wadooyinka ugu sahlan ee qalbiga xaaska lagu qabsado .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada