Kenya oo qunsul ruqsad ka haysan DFS usoo magacowday Kismaayo

Kenya oo qunsul ruqsad ka haysan DFS usoo magacowday Kismaayo

daajis.com:-Dowladda Kenya ayaa qunsul u soo magacawday magaalada Kismaayo oo fariisin u ah maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe.

Axmad Madoobe ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Qunsulka ay Kenya usoo magacowgday Kismaayo, isagoo sheegay inuu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya Maamulka Jubba iyo Kenya.

Qunsulkan ayaan soo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo laga yaabo in ay kiciso xiisad kale maadaama ay hadda Dowladda u yeertay Safiirkeeda si uu warbixin dheeri ah ugu keeno dhibaatada Soomaalida Islii lagu haayo.

Qunsulkan ayaa sheegay in dhowaan xafiis uu ka furanayo magaalada Kismaayo, si uu u sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya.

Laakiin Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Goobweyn ayaa sheegay in qunsulkan ay soo magacawday Kenya uu aheyn qunsul, balse uu yahay Gudoomiye Gobol ay Kenya Jubooyinka u soo magacawday, si ay dhulka deegaanada Jubooyinka ugu darsato dalkeeda.

“Waxa la keenay Qunsul ma ahan ee waa Gudoomiyaheeda Jubooyinka, Kenya dhulkan ayaga is ka leh”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho.


Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda Kenya, kuwaasi oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM, waxayna xiriir ddhow la leeyihiin Axmad Madoobe.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada