Palace:- Oo Cashir Udhigtay Liverpool, Kadib Soo Noqosho Cajiib Ah Oo Ay Sameesay.

Palace:- Oo Cashir Udhigtay Liverpool, Kadib Soo Noqosho Cajiib Ah Oo Ay Sameesay.

daajis.com:-Qeybti hore ciyaarta, kooxda Palace ayaa inta tabarteeda isku dayeyseesay inay xakameeso shaxda difaaca oo aad moodo inuu udajiyey macalinkooda si ay uwaajahaan weerarka waalida ah ee Liverpool, Palace ayaa nasiib kuleheed inaan laga dhigin rigoore kadib qalad uu daafaceeda kugalay Glean Johnson oo diilinta ganaaxa kujiray taas oo uusan dhigin calanwadaha caawiyaha u aha garsooraha.

Isku dayadii tirada badnaa ee Liverpool kudooneysay inay jabiso daafaca dheer ee xirteen ciyaartoyda ayaa najaxay daqiiqadii 18 aad, koorno lasoo qaaday ayaa raaciyey Joe Allon, ciyaaryahanka qaranka Wales ayaa udhaliyey Liverpool goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka.
Goolkaas kadib Palace ayaa ku kaliftay in Liverpool dib ugarato, iyagoo kashaqeesiiyey Mignolet oo umuuqday ciyaarta mid katirsan taageerayaasha Reds ee sheeda ka daawanaayey ciyaarta, daqiiqadii 33aad, Jason Puncheon ayaa laga badbaadiyey kubad dhulka ku xoqan uu ka dhex bixiyey lugaha Sakho, kubada oo birta bidix udhaweed ayuu Mignolet ubixiyey Koorno.
Labo daqiiqo kadib Mile Jedinak ayaa markale ku kalifay Mignolet inuu iskala jiido si uu ubadbaadiyo kubada xagal kusocotay oo ay adagtahay in labadbaadiyo, Jedinak ayaa meel shabaqa ujirta 25 Yard kasoo laaday, Gerrard oo isku dayay inuu isku dhigo kubada ayaa haleeli waayey, labo daqiiqo oo lagu daray waxba kama badalin natiijadii ciyaarta iyadoo nasashada la aaday Liverpool oo hogaanka ciyaarta heyso.

Qeybtii labaad cadaadiskii Liverpool ayaa meeshiisa kasii socday, iyadoo ay umuuqatay inay daacad katahay Sturridge inuu ulabeeyo Reds, weeraryahanka qaranka England ayaa kubad cajiib eheed laga badbaadiyey, labo daqiiqo kadib ayuuse rumeeyay inuu labeeyo daqiiqadii 53aad, labo daqiiqo kadib Suarez ayaa useddexeeyay.
mataanaha SAS ayaa laba daqiiqo oo isku xigto kala dhaliyey min gool, Suarez ayaa dadaal ugu jiro inuu Ronaldo kula tartamo kabta dahabiga uu qaato laacibka ugu goolal bato Europe, goolkaan waa midkii 31aad uu dhaliyo weeraryahanka qaranka Uruguay, tababaraha cusub ee Crystal PalaceTony Pulis sidu uqabtay kooxda weli garoonkiisa loogama dhalin seddex gool, Liverpool ayaa dhalisay seddex gool ama kabadan 21 kulan oo horyaalka katirsan taas oo ah rikoor cusub.
Tony Pulis oo aan marnaba ku qanacsaneed qaabka difaac ee kooxdiisa ayaa badal kusoo xareeyay weeraryahan kale oo qamaar ah, ciyaaryahankii hore ee Arsenal Marouane Chamakh ayaa badal kubaxay iyadoo weeraryahanka 30 jirka ah Glen Murray uu badal kusoo galay.
Palace ayaa kusoo noqotay ciyaarta iyadoo weeraro rogaal celis ah kudishay difaacyada Liverpool, daqiiqadii 79aad Damien Delaney ayaa laad uu soo fidiyey waxaa goolkiisa kuleexiyey Johnson, gool walbo ay xisaabsatay kooxda kasoo jeeda gobolka Mersycide waxey u ekeed in lagasoo jaraayay, labo daqiiqo kadib goolka koowaad ee Palace waxaa ulabeeyay Dwight Gayle, seddexda dhibcood ayaa u ekeed inay luuq kasii galeesay Liverpool.

Jawiga Kulanka ayaa gabi ahaanba isbadalay, isla sidaas tartanka horyaalka ayaa gabi ahaanba isbadalaya, Palace ayaa hadiyey siineysa Citizens, 0-3 oo looga qabtay hogaanka ciyaarta ayey kusoo noqotay iyadoo kadhigat 3-3, Dwight Gayle ayaa ubarbareeyay kooxda Crystal Palace daqiiqadii 87aad, isagoo dhaliyey goolkiisii labaad ee ciyaarta, sagaal daqiiqo kaliya ayey kuqaadatay inay labeeleeso ciyaarta.
Shan daqiiqo oo beerdaro ah ayaa lagu daray ciyaar xamaasad weyn laheed, taageerayaasha Palace ayaa qeyb weyn ka qaatay soo noqoshada kooxdooda, iyagoo guubaabinayey ciyaaryahanadooda taniyo bilowgii ciyaarta, waxba masoo kordhin daqiiqadihii lagu daray, iyadoo ciyaarta kusoo dhamaatay 3-3 habeen riwaayad ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada