Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Turkiga (Sawirro)

Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Turkiga (Sawirro)

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Hey'adaha Turkiga ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo munaasabadan ay ka dhacday Safaarada Turkiga ku leedahay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa uu Ra'iisul Wasaaraha kaga qeyb qaatay barnaamij muuqaal ahaa oo isku xirayay Labada Ra'iisul Wasaare waa Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan howlaha baaxada leh ee ay dowaldda Turkigu ka wado dalka Soomaaliya.

“Waxaan ugu horrayn salaamayaa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo Shacabkiisa oo si deeqsinmo leh ugu soo guramaday Soomaaliya xiligii ay ugu baahida badnayd, shacabka Soomaaliyeedna ma ahan kuwo waligood ilaawaya gacantii ay Dowlada iyo Shacabka Turkiga u fidiyeen. 

Ra'iisul Wasaaraha oo sii hadlayay ayaa yiri "Gar gaarkiinu kuma ekayn dhinaca ban’adanimada kaliya, ee waxaad dib u dhis ku sameeyseen kaabayaashii dhaqaalaha oo Shacabka Soomaaliyeed xasuusanayo sidii ay Muqdisho ahaan jirtay iyo hada bilicda ka muuqata. Waxaana marlaabad idinka tacsiyadaynayaa masiibadii ka dhacaday dalka Turkiga todobaad ka hor,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Turkiaga dayactirka iyo qalabaynta balaaran oo ay ku sameeyeen Isbitaalka Digfeero, Iskuulada, iyo qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda.

Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa booqday Xarunta Wasaarada Warfaafinta, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay wasiirka Warfaafinta, kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha Wasaarada, waxaana Ra'iisul Wasaaruhu soo kormeeray keydka Radio Muqdisho, isagoo shaqaalaha iyo wariyeyaasha Raadiyahana ku dhiira geliyay inay laba jibaaraan howshooda.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada