War Deg Deg Ah :- Gudoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab oo ku dhaawacmay qarax gaarigiisa lagu xiray

War Deg Deg Ah :- Gudoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab oo ku dhaawacmay qarax gaarigiisa lagu xiray

daajis.com:-Gudoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab Faarax Dahir Jimcaale ayaa galabta ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa, isagoo marayay degmada Xamar weyne.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino qeybta hoose ee kursiga loogu xiray, dabadeedna markii uu ka soo dhaqaaqay dhanka Xamar Jajab uu qarxay.

Ciidamo boolis oo goobta soo garay ayaa qaaday dhaawaca Gudoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab oo ka mid ahaa Mas'uuliyiintii maamulkii hore ee la bedelay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarkan, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa dhowaan ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan Mas'uuliyiintii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax miino oo uu ka bad baaday Gudoomiye kuxigeenkii degmada Huriwaa, kaasoo ka dhacay agagaarka Isgoyska Sanca, shan ruux oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Ilaalada Gudoomiye kuxigeenka ayaa ku dhaawacmay qaraxa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada