Sagaal Sanno Ka Dib Arsenal Oo Koob Ku Guuleysatay, Waxa Ay Hanteen Maanta Koobka FA Cup.

Sagaal Sanno Ka Dib Arsenal Oo Koob Ku Guuleysatay, Waxa Ay Hanteen Maanta Koobka FA Cup.

daajis.com:-Arsenal ayaa soo gabagabeysay abaartii dhanka goolasha ee ku dhawaad sagaal sanno heysatay ka dib markii ay 3-2 waqtigii dheeriga ahaa kaga badiyeen Hull City islamarkaana ay ku guuleysteen koobka FA Cup. Arsenal ayaana barbareysay rikoorka Man United iyagoo ku guuleystay markii 11aad koobka FA Cup.

Arsenal ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii afaraad ee ciyaarta, kooner uu soo tuuray Elmohamady ayaa waxaa xerada ganaaxa dhexdeeda ku helay Huddleston. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa darbadiisa ay aheyd mid dafciif ah laakiin James Chester ayaa meel sideed yard u jirta goolka ka dhameystiray.
Afar daqiiqo ka dib Arsenal waxaa dhabarka loo saariyay gool kale, markaana waxaa shabaqa ka soo taabtay Curtis Davies. Bruce ayaa kubad madax aheyd waxaa ka soo beenisay birta ka dib kubad karoos ah oo ka timid Quinn, laakiin Davies ayaa xagal adag shabaqa ka geliyay.
Hull City ayaana durbadiiba ku dhawaatay inay hesho goolka seddexaad iyadoo Gunners ay isku dhex yaacday, madax uu galay Alex Bruce ayaa waxaa xariiqda goolka ka soo beeniyay Gibbs.
Daqiiqadii 17aad ayay Arsenal gool soo ceshatay markii Santi Cazorla uu kubad laad xor aheyd si fantastik ah u dhex dhigay shabaqa, waxaana ay aheyd goolkiisii 20aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Hull City iyadoo Gunners ay awoodi weysay inay barbareyso ciyaarta ka hor dhamaadkii qeybtii hore.
Arsenal  Ayaan wax isbedel ah ku sameynin bilowgii qeybta labaad natiijada ciyaarta iyadoo Hull City ay si wacan ugu dagaalameysay inay ilaashato hogaankeeda.
Arsenal ayaana ku andacootay rigoore daqiiqadii 68aad markii Cazorla dhulka la dhigay laakiin garsooraha ayaa ka diiday kooxda Gunners.
Daafaca Arsenal Koscielny ayaa u barbareeyay Arsenal daqiiqadii 68aad markii uu meel dhow ka dhameystiray kubad meel halis ah uu ka helay. Taas ayaana ciyaarta ka dhigtay barbaro 2-2 ah.
Gibbs ayaana fursad gool loo fishay ka qasaariyay Arsenal ka dib markii kubad ku helay goolka hortiisa laakiin waxa uu dulmariyay goolka.


Waxaana 90kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah taasoo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu darro.
Barbaro 2-2 ah ayaa sidoo kale lagu kala maray qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ahaa. Daqiiqadii 109aad ee qeybtii labaad ee waqtiga dheeriga ahaa ayayna Arsenal heshay goolka guusha ee ay raadineysay waxaana u saxiixay Aaron Ramsey oo si cajiib ah u dhaliyay ka dib kubad uu ka soo shaqeeyay Olivier Giroud.
Hull City ayaana u dhawaatay inay barbareyso ciyaarta laakiin waa ay iska qasaariyeen fursadooda.
Goolkaas uu dhaliyay Ramsey ayaana Arsenal ku hogaamiyay inay 3-2 kaga talaabsato Hull City islamarkaana ay hanato koobkeedii ugu horeysay tan iyo 2005tii markaasoo ay sidoo kale hanteen FA Cup.
Arsenal ayaana soo gabagabeysay 8 sanadood, 11 bilood iyo 24 maalmood oo ay heysatay abaar dhanka goolasha ah ugu danbeyna waxa ay garoonkooda Eimirates Stadium geyn doonaan koob tan iyo markii la dhisay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada