SAWIRRO: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qaybgalay caleema saarka Jacob Zuma

SAWIRRO: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qaybgalay caleema saarka Jacob Zuma

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay xafladda caleema saarka madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.

Madaxweyne Xasan ayaa ka mid ahaa dhowr madaxweyne oo ka socday dalalka Afrika, kuwaasoo lagu casuumay caleema Saarka madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo marki labaad loo dhaariyay xilka madaxtinimo ee dalkaasi.

Kumanaan kun oo dad ah ayaa ka qayb galay xafladda caleema Saarka ee Jacob Zuma, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay hawada kusoo bandhigayeen debaaldegga ay ku muujinayeen caleema Saarka Zuma.

Jacob Zuma ayaa lagu dhaariyay aqalka madaxtooyada ee Pretoria, halkaasi oo ah xaruntii lagu dhaariyay madaxweynihi ugu horreeyay Koonfur Afrika ee Nelson Mandela, kaasoo xoriyadda u hibeeyay dadka madow oo gumeysi ku jiray.

Waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashi lagu casuumay xafladda caleema Saarka.
1969155_1509268125968320_1564803198507318099_n
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan
Madaxweynaha dalka Madagascar Hery Rajaonarimampianina
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe
Madaxweyne Jacob Zuma ayaa qudbad dheer ka jeediyay madasha ay xafladdu ka dhaceysay, isagoo ka hadlay kobaca dhaqaale ee Koonfur Afrika iyo la dagaalanka masuqmaasuqa.
Zuma ayaa sidoo kale sheegay in dadka faqriga ah ee reer Koonfur Afrika ay dowladda siin doonto Guryo, Biyo iyo Koronto bilaash ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah caawa la qaato madaxda dowladda Koonfur Afrika, isagoo maalinta berri ahna kulan ballaaran la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Kulanka uu madaxweyne Xasan Sheekh la qaadanayo Jaaliyadda koonfur Afrika ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo safaaradda Soomaaliya ee Pretoria.
 
 
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada