Sergio Aguero: Anigu Kuma Riyoodo Inaan Messi Oo Kale Noqdo Ee Messi Ayaa Aniga Igu Riyooda

Sergio Aguero: Anigu Kuma Riyoodo Inaan Messi Oo Kale Noqdo Ee Messi Ayaa Aniga Igu Riyooda

daajis.com:-Weeraryahanka kooxda Manchester City iyo xulka wadanka Argentina ayaa ku kaftamay hadal layaableh isgoo sheegay inuuna ku riyoonin ama ku hamiyin inuu Messi oo kale noqdo balse taa badalkeeda uu Lionel Messi ku hamiyo inuu Aguero oo kale noqdo.

Auguero ayaa Manchester City u ciyaaray kulan kii ugu danbeeyay ee ay horyaalka ku hanatay halka Messi ciyaaray kulankii ugu danbeeyay ee ay Barcelona ku wayday horyaalka ee ay Atletico Madrid bar baraha ku qabatay wuxuuna Messi ku guuldaraystay inuu wax gool ah ciyaartaas ka dhaliyo.
Waraysa ayaa lagu waydiiday inuu gaadhi karo afarta jeer ee Messi ku guulaystay Ballon d’Or ka maadaama oo uu ku kaftamay inuu Messi doonayo inuu isag oo kale noqdo ayuu Aguero qirtay inuu doonayo inuu noqdo weerar yahanka ugu fiican kubbada cagta wuxuuna ku celiyay kaftankiis inuu Messi doonayo inuu isaga oo kale nodo.Aguero ayaa yidhi “Waxaan rajaynayaa inaan maalin uun noqdo ciyaartoyga aduunka ugu fiican laakiin kuma riyoodo inaan Messi oo kale noqdo waayo isaga ayaa doona inuu aniga oo kale nodo”
Xulka Argentina ayaa tartan la galidoona xulalka kala ah Nigeria, Iran iyo Bosnia wuxuuna Aguero sheegay inay u soo bixidoonaan 16 kooxood.

“Koobka adduunku markasta wuu adag yahay laakiin dabcan waxaan rajaynayaa inaanu guulaysano waxaanan rajaynayaa inay Argentina ku guulaysan karto. Brazil, Spain iyo Germany iyaguna way xoogan yihiin waana kooxo fiican laakiin ciyaaruhu waa halkaa waana in laguulaystaa. Ma aaminsani in Argentina ku jirto group fudud waayo koobka aduunka maba jiro kulan sahlani”

source:-laacib

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada