daajis.com:-Dunida maaanta furaheedu wuxuu noqday dhaqaale iyo ganacsi, tilaabo walba oo laqaado waxaa fure u noqday dhaqaale, amaba hadaan si kale u dhigo talaabo walba oo aad qaadaysid oo aad rabtid inaad meel ku hiigsatid inay suurta gasho waxaa ka horeeya inaad u heshid dhaqaale aad ku hirgalisid.
Haddaba inaad si fudud ku abuurtid ganacsi taaba gala ama si fudud ku guulaysta ma,ahan arin sahlan, lknse mar walba waxay kuxiran tahay fikrada aad suuqa lasoo gasho. ama waxa aad adigu odorasto kadibna aad bulshada iyo macaamiisha usoo bandhigto, iyo waliba fursada aad suuqa kahesho (Market opportunity).
Wadamada ugu dhaqaalaha sareeya dunida sida maraykan ka, in fursad ganacsi oo guulaysata laga helo suuqyadooda ma,ahan arin sahlan mararka qaarna waxaaba lagu cabiraa arin dhaan dabagaale ah. waliba marka aad bilaabaysid ganacsi bilow ah (new business) oo u baahan hadda inaad macaamiisha bartid.
Sidaas oo ay tahay hadana xeel dheerayaasha dhaqaaluhu waxay isku raacsan yihin in haddii fikrad cusub oo ganacsi oo bilow ah lala yimaado isla markaana wadata tayadeeda (quality) in ay suurta gal tahay in suuq walba oo saxmad badan laga heli karo jaanis iyo fursad loogu soo biiri karo.
Hadaba sacdiya waa gabar somaliyeed oo kunool dalka maraykan ka, waxayna hindistay inay ganacsi ka dhex bilowdo, dabcan ma,ahan arin sahlan, hadanase sacdiya oo hindistay product cusub ayaa si fudud ugu guulaysatay inay gasho suuqa maraykan ka, oo la,ogyahay ganacsado waaweyn inay wax fursad ah kawaayen amaba qoondada ay wataan ay u saamixi wayday inay wax fursad ah kahelaan suuqyada america.
Hadaba intaad maqaalka soo akhrinaysay waxaa laga yaabaa inay maankaaga ka guuxaysay waa maxay waxa sacdiya ay lashir tagtay suuqweynaha maraykan ka kadibna ay sida fudud uga taabagalisay, wax kale ma,ahee waaa '''Maraq somali ama suugo somali".
waxay bilowday sacdiya inay gurigeeda ku dhexsamayso in yar oo maraq ah kadibna ay soo dhandhansiiyo qaar kamid ah dadweynihii reer maraykan ee ka agdhawaaa, markay aragtay inay u riyaaqena ay bilowday inay suuqa u iib gayso iyadoo ku bilowday ganacsiga ay somalidu u taqaaano warato (Small Business) kadibna maalinba maalinta kadambaysay wuxuu noqday maraq somaligii product si weyn loo jeclaysto dhadhan fiicana yeeshay.
Suugadii yarayd ee ay sacdiya minankeeda kubilowday waxay isku badashay badeeco si wayn loowada jeclaystay, wuxu noqday company weyn oo loogu wanqalay "Sadia sauce" oo hadda saami ku baaqaya inuu iibiyo, kumanaan dukaano ayaa hadda sacdiya uga furan maraykan ka, kudhawaad 25kun oo dukaan waxaana miisaaniyada company gu hadda uu marayaa inta u dhaxaysa 20 million ilaa 100 million..
NB: Product kasta oo cusub oo tayadiisa wata, wuxuu si fudud ku gali karaaa Market walba, xajmiguu doonayo hala haadee, muhiimadu waaa inuu product gu wataa quality ay jeclaystaan customer ku, iibsaduhu mar wlba wuxuu wataa lacag wuxuuna raadinayaa wax quality leh oo uu iibsado.
Qalinkii: Mohamed omar jama (Somali).
Email: burhaanomar@gmail.com
FB: //www.facebook.com/luqmaanyare
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:21 and have
, Published at