daajis.com:-Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta hareeyey muran xoogan oo soo kala dhex galay masuuliyiinta shirkada dayuuradaha Turkish Airweys iyo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Somalia.
Murankan ayaa yimid sida wararku nagu soo gaarayaan markii shirkada Turkish Airweys ay diiday iney qaado dad Soomaali ah oo heysta baasabooro ajnabi ah kuwaasoo dib ugu laabanayey dalalka Yurub iyo Maraykanka oo markii hore ay ka yimaadeen.
Saraakiisha laanta socdaalka aya sheegay in dadkan documentiyada ay wataan ay yihiin kuwo sax ah markii ay dalka soo galayeena ay soo raaceen dayuurada shirkada Turkish Airweys aysana jirin sabab ay ku diido shirkada iney dib u celiso maadaama ay heystaan tikidhada shirkadda.
Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiinta shirkada Turkish ay ka shakiyeen dadkan Soomaalida ee heysta baasaboorada dalalka Yurub iyo Maraykanka iney yihiin dadkii dhabtaa ahaa ee lahaa documentiga ay wataan.
Masuuliyiinta shirkada Turkish airlines ayaa la sheegay ineysan aaminsaneyn saraakiisha laanta socdaalka ee ku shaqada leh iney xaqiijiyaan documentiga ay wataan dadka ka dhoofaya garoonka iyo kuwa soo degaya intaba, iyagoo ku eedeeya in dad fara badan oo hadda ka hor ay saareen dayuuradaha dib looga soo celiyey Turkiga markii la ogaaday iney wataan waraaqo been abuur ah.
Laanta socdaalka ayaa amar ku bixisay in maanta in wax rakaab ah aysan raacin dayuurada Turkish Airlines ayna duusho rakaab la’aan, maadaama ay diideen iney qaadaan dad waraaqo sax ah wata sida ay ku adacoodeen.

Murano badan oo noocan ah ayaa la soo sheegayaa iney horey u dhexmareen masuuliyiinta shirkada Turkish iyo saraakiisha laanta socdaalka garoonka Aadan cadde oo iyagu qaarkood lagu eedeeyey iney dayuuradaas saareen dad ay ka qaateen lacago laaluush ah oo wata waraaqo la been abuuray, iyahoo hamigoodu yahay iney gaaraan dalalka Yurub
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:56 and have
, Published at