Daawo Video:- Booliiska mid ka mid ah dalalka Yurub oo beerka laga garaacay..

Daawo Video:- Booliiska mid ka mid ah dalalka Yurub oo beerka laga garaacay..

daajis.com:-Shacab careeysan oo isa soo abaabulay ayaa maalin cad ku soo yaacay xarumaha ciidamada booliiska dalka Ukraine gaar ahaan kuwa ku yaala magaalada caanka ah ee Donetsk . Booliiskii ku sugnaa xarumahaan ayaa mudo saacado ah is difaacayay balse xaalada ayaa faraha ka baxday ka dib markii qalabkooda si toos ah loola wareegay. 


Shacabkaan ayaa ahaa kuwo la jira ama taageersan garabka Ruushka waxeeyna si weyn uga soo horjeedaan dowlada Ukraine oo ku biireeysa midawga Yurub iyo gaanshaanbuurta NATO taas oo shaki weyn ku beertay dowlada Moscow ee uu hogaamiyo Madaxweeyne Vladimir Putin . 

Gobolo iyo degmooyin ku yaala gudaha dalka Ukraine waxaa maalmahaan dhan ka socday iska hor imaadyo toos ah oo mararka qaar rasaas la isku weeydaarsaday waxaana iminka inta badan hubka qaatay kooxo ay hoos ka soo abaabushay dowlada Ruushka. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada