Hordhac:- Fiorantina V Napoli Oo Ku Balansan Final Ka Coppa Italia.

Hordhac:- Fiorantina V Napoli Oo Ku Balansan Final Ka Coppa Italia.

daajis.com:-Fiorantina ayaa looga awood roonaaday tartanka booska loogusoo baxo Champions League, iyadoo Napoli ay u egtahay inay ku dhameesaneeso kaalinta 3aad, balse haddi ay qaado Coppa Italia waxey unoqon doonta xilli ciyaareed wanaagsan.

SSC Napole ayaa 8 dhibcood oo nadiif ah ka koreeso kooxda ugusoo dhaw horyaalka SERIE A oo ah Fiorantina, iyadoo kaliya 3 kulan ay ka hareen dhamaadka horyaalka, balse labada kooxood ayaa ku balansan garoonka Rome ee Stadio Olimpico oo ay ku ciyaari doonaan kulanka udanbeeyo ee Coppa Italia.
“Waxaan dooneynaa inaan qaadno Coppa Italia kaalinta 4aadna aan ku dhameesano” ayuu yiri tababaraha Fiorantina Vincenzo Montella, wuxuu hadalkiisa kusii daray “Waxaan rajeynayaa in ciyaartoydeeda ay diyaar uwada noqdaan kulankaan kadib dhaawacyo nasaameeyay xill ciyaareedkan oo dhan.
Dhanka kale tababaraha kooxda Napoli Rafael Benitez oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay “Waxaan ku hami weynahay inaan qaadno koobkaan si ay dadka qiimeyn fiican ugu sameeyaan xilli ciyaareedkeena oo kutiirsan Final kaan.

Benitez ayaa ku rajo weyn in ciyaartoydiisa ay diyaar uwada yihiin kulanka oo ku jiro weeraryahanka reer Argantina Higuain, Napole ayaa aheyd kooxdii ugu horeesay ee xilli ciyaareedkan ka hartay Champions League walow ay 12 dhibcood ay ka qaadatay wareega Group yada oo lagu reebay farqi goolal ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada