daajis.com:-Mareykanka ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay talaabada milatariga ay kula wareegeen awoodda dowladda Thailand, waxaana war ay soo saartey xukuumadda Washington lagu sheegay inaaney jirin sabab loo sameeyo afgembi.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry waxaa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay wararka sheegaya hoggaamiyeyaal sare oo siyaasadeed ay xireen milatariga Thailand. Waxaa uu ku baaqey in si deg deg ah loo soo daayo, isla markaana la soo celiyo hanaankii dimoqraadiyadeed ee waddanka ka jirey.
Kerry waxaa kale oo uu ka digey in afgembiga milateri uu saameyn xun ku yeelan doono xiriirka Mareykanka iyo milatariga Thailand.
Waxaa uu sheegay in talaabada lagu hakiyey dastuurka looga gol leeyahay in lagu soo celiyo amarka iyo kala dambeynta, horeyna loogu wadayo isbedelada siyaasadeed.
Waxaa kale oo uu General Chan-Ocha ku amrey raiisul wasaaraha Ku Meel Gaarka ah iyo golihiisa wasiirada inay iska xaadiriyaan taliska ciidamada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:41 and have
, Published at