Russia iyo China ayaa codka Veto ku diidey qaraar ka Dhan ah Syria

Russia iyo China ayaa codka Veto ku diidey qaraar ka Dhan ah Syria

daajis.com:-Russia iyo China ayaa codka Veto ku diidey qaraar Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku doonayey in tacadiiyada dagaalka Syria lagu wareejiyo Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ee ICC.

Tani waa markii Afraad ee labada dal ay isticmaaleen codka veto si ay uga hortagaan talaabo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay doonayey inuu ka qaado Syria tan iyo markii dalkaasi ay colaadda ka dilaacdey sannadkii 2011-ka.

Qaraarkan ayaa waxaa soo diyaariey Faransiiska, waxaana lagu dhaleeceyey xadgudubyada baahsan ee ka dhanka ah aadamiga ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta Syria iyo maliishiyaadka dowladda taageersan, iyo weliba kooxaha kale.

Danjiraha Russia ee Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin ayaa sheegay in qaraarka uu ahaa mid sii adkeynaya hadafka la doonayo in xal siyaasadeed loogu helo xasaradda Syria.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada