daajis.com:-Kubad qaabeeyaha kooxda Manchester City ayaa sheegi in caradii uu muujiyey Toure ay aheyd mid kadis ah isagoo sheegay inuusan hore uga dareemin arrintaan, Silva oo Man City ladhameestay xilli ciyaareed heer sare ah ayaa kahadlay xanaaqii Toure uu muujiyey iyadoo wakiilkiisa Sulek uu sheegay in Toure uusan farxad kudareemeynenin kooxda Manchester City.
Silva ayaa yiri “Tourey waxaan wada ciyaareynay muddo sanado ah, mar walbo waxaan umaleyn jiray inay inuu fiican yahay.
“Magaranaayo qofka waxa uu udareemayo inuusan kufaraxsaneen, (maadaama) mar walbo ay iila muuqatay inuu ladan yahay.
Silva ayaa kahadlay mustaqbalkiisa Man City “Xilligaan lajoogo aad ayaan ugu faraxsanahay, mana iga arki doontid isbadalo soo socda.
“Weligaa kama daaleysid inaa guuleesatid, xilligaan lajoogana waxaan laguuleysanayaa City, marka magaranaayo sabab aan usameeyo isbadal.
“Mar walbo waxaan sheegi jiray inaan faraxsanahay, maqiyaasi kartid waxa dhacayo kubada cagta, balse waan faraxsanahay, waan kufaraxsanahay inaan halkaan joogo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:07 and have
, Published at