Golaha Ammaanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Kooxda Boko Haram

Golaha Ammaanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Kooxda Boko Haram

daajis.com:-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn ka dhan ah kooxda Boko Haram ku soo rofay, shan todobaad kadib markii ay afduubteen in ka badan labo boqol oo gabdho arday iskuuley ahaa.
Boko Haram ayaa lagu daray liiska Ururada xagjirka ah ee xiriirka la leh Ururweynaha Al-Qaacida.
Cunaqabateyntan ayaa waxay xayiraad saareysaa hantidooda la xanibo, cunaqabateyn xaga hubka ah iyo kuwa kale.
Dagaalyahanada Boko Haram ayaa lagu eedeeyay inay tababaro la soo qaateen Ururweynaha Al-qaacida.
Ergeyga Mareykanka u fadhiya Golaha Ammaanka Samantha Power ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo ka dhan ah kooxda Boko Haram.
Boko Haram ayaa maalin ka hor lagu eedeeyay inay ka dambeysay weerar ay ku dhinteen 27-ruux weerar ka dhacay tuulooyin ku yaala waqooyi bari Nigeria.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada