Afrika oo doonayso inay baddesho xeerka ICC

Afrika oo doonayso inay baddesho xeerka ICC

daajis.com:-Midowga Afrika ayaa soo jeedinayo hindiso lagu baddelayo xeerka u yaallo Maxkamadda Dambiyada ee Adduunka.
Waxay doonayaan in maxkamaddaas aan la soo taagin madaxda Afrika inta ay xilka ka wareejinayaan.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto ayay labaduba dacwad uga socotaa maxkamaddaas.
Maxkamadda dabiyada adduunka ayaa dhagaysanayso dacwad ka dhan ah madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta (midig)
Dambiyo ka dhan ah aadanaha
Waxaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay inay gaysteen xilligii uu socday qalalaasihii xigay doorashooyinkii 2007-da.
Hindisaha Midowga Afrika ayaa laga soo jeedin doonaa shirweynaha sanadlaha ah ee dowladaha saxiixay xeerka lagu dhisay Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee ICC.
Waddamadan ayaa awood u leh inay baddelaan xeerka haddi si aghlabiyad ugu codeeyaan arrintaas.
Golaha Ammaanka
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horey ugu gacanseyray dalab ahaa in dib loo dhigo dacwadda madaxda Kenya
Laakin dadka ku xeel dheer arrimaha sharciga ayaa sheegaya in haddi xitaa hidisahaas la waafaqo uu dhaqangeli karo oo kaliye dhwor sano kaddib.
Horey ayuu Midowga Afrika isugu dayay inuu dib u dhigo dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa.
Waxa uu dalab hor geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku gacanseyray dalabka Midowga Afrika.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada