War Deg Deg Ah : Dowladaha iyo Ururada ka dambeeya in la rido Madaxweyne Xasan Sheekh oo la ogaaday

War Deg Deg Ah : Dowladaha iyo Ururada ka dambeeya in la rido Madaxweyne Xasan Sheekh oo la ogaaday

daajis.com:-Waxaa soo baxaya in ay jiraan Dowlado iyo Ururo gadaal ka riixaya in la rido Dowlada Soomaaliya uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana Qorshahaasi fulintiisa qarash badan ku qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowaladaha ka Danbeeyo in Mooshin laga keeno lana rido Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud waxaa Hormuud u ah Dowladda Imaaraadka Carabta oo Qarash badan ku bixinaysa Bur burka iyo Dib u dhaca Dalka Soomalaiya iyadoo adeegsaneysa dad aan u naxeyn Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya. 

Dowladda Imaaraadka ayaa gadaal ka riixaysa sida aan Wararka ku helnay Ururada Dalka ka jira ay ugu horeeyaan Ururka Aala Shiikh oo ah Urur uu Dhisay madaxwayniii hore Dalka Soomaalya Shariif sheikh Axmed , Imaaraadka ayaana Damacsan in uu Dib u soo Laabto Shiikh Shariif oo doorasho looga adkaaday. 

Dhanka kale Waxaa Iyana meesha ku Jira oo Dowladda Xasan Shiikh Raba in ay ridaan Ururka Al Itixaad oo kamid ah Ururada Islaamiga ee Dalka ka jira, kaa oo Qarashaad badan ku Bixinaya Sida uu u Dhici lahaa Xasan Shiikh Ayagoo Doonaya in ay Qabtaan talada Dalka ay mudo badan ku haminayeen iyagoo qaabab kala duwan usoo maray balse ku guul dareestay.

Qorshaha la doonayo in dib u dhac dalka loogu keeno Meeshana looga saaro Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la doonayaa in loo adeegsado qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya aan dan ka laheyn jiritaanka Dowladnimo. 

Ugu Danbayntii Waxaa Magaalada Muqdisho hada kasocda dadaalo ay wadaan Siyaasiyiin samo doon ah iyo Xubno katirsan Dowlada oo la doonayo in lagu fashiliyo Qorshaha ay hor boodeeso Dowlada Imaaraadka carabta ay lagu doonayo in Dalka dib u dhac lagu keeno meeshana looga saaro Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada