Daawo Sawirada:- Boko Haram oo soo bandhigay muuqaalka gabdhihii ay afduubteen, qaarkoodna ay Muslimiyeen.

Daawo Sawirada:- Boko Haram oo soo bandhigay muuqaalka gabdhihii ay afduubteen, qaarkoodna ay Muslimiyeen.

daajis.com:-Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ayaa soo bandhigay muuqaal video ah oo ah in ka badan 100- gabdhihii ardayda ahaa ee ay bishii hore ka afduubteen waqooyiga Nigeria, iyadoo muuqaalkaas uu ku jiray Hogaamiyaha kooxda Abubakar Shekua.

Hogaamiyaha Kooxda Abubakar Shekau ayaa sheegay in gabdhahan ay gacanta ku heynayaan ilaa looga sii deynayo dagaalyahano ka tirsan ururkiisa oo xabsiga ku jira.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay shuruud uga dhigeyso Boko Haram sii deynta gabdhahaas, inkastoo kol hore uu Hogaamiyahooda uu ku hanjabay inay iibin doonaan gabdhahan.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqday gabdhaha oo xiran xijaab, waxaana qaarkood ahaa kirishtaan ay muslimiyeen.

Saddex ka mid ah gabadhaha oo min 17-daqiiqo hadlay ayaa labo ka mid ah waxay sheegeen inay qaateen Diinta Islaamka, halka gabadha kale ay markii hore muslim aheyd.

Muuqaalkan Video ayaa waxaa sii deysay Wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP, waana muuqaal cusub oo ay ka dhex muuqdaan gabdhihii la la'aa.

14-kii bishii hore ayay aheyd markii gabdhahan oo ka badnaa ilaa 200 lagala baxay Iskuul ay ku hoydaan oo ku yaal magaalada Chibok ee Gobolka Borno ee waqooyiga Nigeria.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada