Abu Bakar Al Baqdadi oo la sheegtay in uu yahay Khaliifka ama Amiirka Islaamka oo dhan!

Abu Bakar Al Baqdadi oo la sheegtay in uu yahay Khaliifka ama Amiirka Islaamka oo dhan!

daajis.com:-War uu soo saaray hogaamiyaha kooxda ISIL (ISIS) ee ka dagaalamaysa dalalka Siiriya iyo Ciraaq ayaa sheegay in la badalay magacii hore ee ahaa Dowlada Islaamiga ah ee Ciraaq, Siiriya iyo Lubnaan (The Islamic State of Iraq and the Levant) balse hada laga dhigay magaca “Dowlada Islaamiga” ah (The Islamic State.).

Afhayeenka kooxdan oo lagu magacaabo Abu Mohamed Cadnani ayaa sheegay in hogaamiyaha ISIL Abu Bakar Al Baqdadi uu yahay Khaliifka cusub ee Caalamka Islaamka iyadoona hada kadib magaca hogaamiyahaasi loogu yeeri doono Khaliif Ibrahim sida uu sheegay afhayeenka ISIL.

Kooxdan ayaa sheegtay inay iyadu dhistay Khilaafada cusub ee Islaamka loogana baahan yahay islaamka oo dhan inay beeco la galaan ama taageeraan maamulkan islaamiga ah.

Kooxda ISIL ayaa kamid ah kooxaha tirada badan ee sheega inay dhisayaan dowlad Islaami ah, balse kooxdan ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalada ka socda Ciraaq iyo qeybo kamid ah Siiriya, wallow aan la aqoon sida ay warkan usoo dhaweyn doonaan kooxaha kale sida AL Qacida oo horey kooxda ISIL ka saartay shabakadeeda mideysa ururada hubeysan ee ka dagaalama caalamka islaamka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada