Dhacdo dhab ah, Gabar Soomaaliyeed oo 24 jir ah oo guur ajnabi ah damacsanayd iyo Sheekh Maxamed Idiris oo la taliyey

Dhacdo dhab ah, Gabar Soomaaliyeed oo 24 jir ah oo guur ajnabi ah damacsanayd iyo Sheekh Maxamed Idiris oo la taliyey

daajis.com:-Arintan waa mid marar badan soo noq noqota, Gabdhahana si guud taladeeda ugu baahan yihiin, horana aan dhawr goor wax uga iri, Tacliiq yarna waan saari doonaa inshallaah in kastoo Ra’yiga aan ka qabo hawshaan meela badan aan ka sheegay in badan asxaabtuna ogtahay:


Gabadhu wexey tiri:

Asc sh`mohamed idris. Sheekh waxaan ka mid ahay dhalinyarada ku xiran pagekaga oo hadana waxaan arka taloyinka wanagsaan ee aad sisid dhalinta .Ana waxaan jecleystey in aan ku soo badhigto arin yar oo igala talisid.

Waxan ahay gabar 24 jirta. Waxaan kala tagnay nin aan mudo 6 sano ah is qabnay. Wuxuu ilahay na kala siyey wiil oo hada aniga ila nool.

Sh waxa jirta arin i wareerisay arintaso ah furninki ka dib inan is baranay nin ajanib ah oo wadamada konfurtaafrika wadan ka mid ah ka yimid. Asagana sido kale wuxu soo maray guur hore waxaana u jooga wiil. Ninka waxan isku baranay, gabar dariiskeena ah bu ninkeeda saxib yihin.

Gabadhasaa iiso bandhigtay wiilka, waxayna tiri waa guur doon oo wa nin wanagsan oo xaga diinta aad ugu adag. Ana waa ka aqbalay madama aan ana guur doon ahay oo nin diinta igu dhaqda radinayey. Ninki markan wada hadalnay wuxu iga dalbaday guur. Ana waan raba inan aqbalo guurkas. 

lkn familkeyga markan u sheegtay arinkan wey igu gacan seyreen oo waxay i leeyihin isku dhaqan ma tihin ismana fahmi doontan. Sido kalana waxay dheheen cunugagaa iyo ninkan ajanibka isku luqad ma ahan si ay isku fahmana ma jirto ee ka fiirso arinkan.

Sh waxan rajeynaya ina arinta talo iga sisid Ilahay khayr iyo xasanad ha ka siyo cawinta iyo talada aad nagu garab hayso shikh.
wcsrwb.



Gabadhaas Waxaan iri:

Adeer Ilaahay wixii khayr kuu ah hakuu fududeeyo, wixii dhib kuu ahna hakaa hayo.

Guurku waa mas’alo muhiima nolosheenna, waa mustaqbal guri la wada dhisayo, waa abuurid xidid iyo xigaalo, waa wiil iyo gabar dhiigoodu isku darsamay, oo laba reer ku qaraabowdey abtiyaal iyo eedooyin iyo habar yaro iyo adeerro, sidaas darteed waa arrin in loo meel dayo oo wax badan laga fekero u baahan, dhan walbana laga fiiriyo..


Dhanka kale, adeer Talada waalidku arrin la fududaysan karo maaha, waa bani aadam oo wey qaldamaan, laakiin sida badan, ilmaha ay isagoo yar soo koriyeen, oo kusoo rafaadeen, waa dadka ugu mudan iney markuu hana qaado arrinkiisa tala ku yeeshaan, wexeyna u dhowdahay marar badan iney taladoodu markey guur timaado runta uga dhowdahay kan wax raba ee hawada keligeed waddo, wiil iyo gabar midkuu yahayba, wax badan ayaa la arkay, taladooda oo la garab maro oo lagu khasaaray, sidaas darteed waxaan kugu la talinayaa Adeer inaad ehelkaaga kaa naxaya, dhibkaaga iyo dheeftaadana berri iyagu kula wadaagaya, inaad taladooda qaadato.

Dhanka saddexaadna hadaan xoogaa yar ka iraahdo, waa wiilka aad is fahamteen, sidaad sheegtay aan soomaali ahayn, diintiisa sida aad u sheegtay ayaanu u qaadaneynaa, qof muslima oo diinta ku fiican, laakiin diinta waxaa lagu lammaaniyey shardi kale oo ah akhlaaqda iyo dhaqanka, qisada tan ka horreyseyna ninka gabadha saddexda dalqo isu raacshey mar ey umul tahay, iyo mar ey qalantahayba, wuxuu ahaa nin ay masjidka kasoo arkootay oo qamiis iyo cimaamad sita! intaas keliyana dhaqan guur laguma qiimeeyo.. Dadku marka ay kor iska arkaan iyo marka ay nolol wadaagaanna waa kala duwantahay, inta badan guurka gabdhaha Soomaali iyo niman aan Soomaali ahaynna ma hana qaadin, intiisa badan, wey jiraan kuwa yar oo burbur ka badbaadey laakiin sabir badan iyo is xilqaan qota dheer sabab u ahayd..


Sidaa darteed asal ahaan, iyadoo shey bannaan ah sharci ahaan, ama diin ahaan, ayaanan haddana gabdhaha iyo wiilashaba kula talin iney kuwooda Soomaalidaa dhaafaan, sababtuna waa inta aan arrinkaa ka aragnay fashil iyo dhibaato ka timi kala duwanaanta dhaqanka iyo luqadda iyo is fahamka..Taana inaad xisaabta ku darsato weeye..

Markaan isku soo hooriyo adeer kugu lama talinaayo arrinkaa waxaanan ku dhihi lahaa reerkaaga taladiisa raac, wabillaahi tawfiiq..

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada