Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo soo saartay amar cabsi badan ku beeray Waalidiinta dhalay caruurta Al-Shabaab katirsan

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo soo saartay amar cabsi badan ku beeray Waalidiinta dhalay caruurta Al-Shabaab katirsan

daajis.com:-Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa amartay laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya marka ay so xirayaan qof la tuhmayo in uu katirsan yahay Al-Shabaab in ay lasoo xiraan waalidka dhalay ruuxaasi la tuhmayo.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidanka Qalabka sida Ee Soomaaliya Cabdi Raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ku jiraan Al-Shabaab in ay laamaha amaanka kusoo wargaliyaan in caruurtooda ay ku jiraan Al-Shabaab ayna maaro u waayeen si wax looga qabto.

‘’ Waalidkii ogaa in Wiilkiisa ama gabdhiisa ay Shabaab yihiin hadana aan soo war galin laamaha amaanka markii la xirana soo daba orda ama aan soo raacin waa dambiile howshana waxbuu ka ogaa ,waxaan amrayaa laamaha amaanka hadii ay soo qabanayaan qof Al-Shabaab ah in ay horey usoo xiraan waalidka dhalay dambiilahaasi’’ ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka.

Mr Cabdi Raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa daboolka ka qaaday in aysan marnaba dhici doonin in la sii daayo qof lagu helo in uu katirsan yahay Dagaalyahanada Al-Shabaab , waxa uuna tilmaamay in Maxkamad la saari doono laguna qaadi doono ciqaabta dambiga uu galay.

Hadalka kasoo yeeray Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Dowlada Soomaaliya ayaa wal wal iyo cabsi ku beeraya waalidiinta dhalay dhalinyarada Al-Shabaab katirsan ama kuwa la tuhmay ee xiray iyadoona ay adkaan doonto in waalidka uu Cunigiisa daba kaco hadii lagu xiro dambi ama dambi la’aan. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada