Daawo Sawirada:- Farxiyo Fiska oo ka qeyb gashay Walaal Afuri iyo arimo kale oo culus..

Daawo Sawirada:- Farxiyo Fiska oo ka qeyb gashay Walaal Afuri iyo arimo kale oo culus..

daajis.com:-Aqristayaasha shabakadan sida ay la socdaan waxaan soo bandhigney dhamaadkii sanadkii hore ee 2013,fadeexooyinkii WALAAL AFURI & WALAAL MAC I SII, kaasoo waqtigii lagu jiray bisha barakeysan ee RAMADAANKA uu lacag uruurin ka bilaabey BASHIIR MURSAL CIISE magaalada London iyo asxaabtiisa oo wadamo qaarkood ka ururiyey lacagaha loogu magic darey WALAAL AFURI, iyagoo aan ogayn meesha ay ku socoto.

BASHIIR MURSAL CIISE iyo WALAAL AFURI, waxay ku dhawaaqeen dhamaadkii SETEMPER 2013,in ay u direenSOMALIA lacag ku dhow 23000$,iyagoo isla markaa soo bandhigay risiityo 2 kun oo dollar ah.

Waxaa dadkii sadaqada ku bixiyey si daacad ah, ay ka war heleen bilowgii bisha NOVEMBER 2013, in BASHIIR MURSAL CIISE oo gudoomiye u yahay xaflada sanadlaha ah ee WALAAL MAC SII, oo loogu magic darey habeenkii MACSIDA iyo QAMRIGA ee LONDON,taasoo inta doon la kireysto habeenkii oo dhan lagu baashaalo webiga LONDON.

BASHIIR MURSAL CIISE wuxuu balan qaadey in sanadka 2014 WALAAL AFURI uu noqon doono mid ka sii weyn,laakiin sheekadii BAALDIGA wuxuu isku dayey in uu u bedelo mid ONLINE ah.

Ugu horeyn BASHIIR MURSAL CIISE wuxuu isku dayey in uu isticmaalo magic iyo sawiro, qof walba oo SOMALI ah soo jiidanaya! Waa CARUUR GAAJEYSAN iyo AGOON!, runtii ma ahan ra,yi xun qofkii caruur SOMALIYEED iyo AGOON gacan qabta,laakiin BASHIIR waa shaqsi dan kale ku wata.


Sida aad ku aragtaan sawirka hoose: BASHIIR MURSAL CIISE wuxuu diiwaan geliyey SHABAKAD 15-5-2014, isagoo isticmaaley guriga DOWLADDA HOOSE ee LONDON ay siiso dadka danyarta ah ee aan shaqeyn,kaasoo loo yaqaano HOUSING ASSOCITAION – COUNCIL HOUSE – cinwaankiisana uu yahay 26 STAFFORD ROAD – KILBURN – LONDON NW6 – 5YY, walaal afuri 5Si aan u xaqiijino baaristan dheer ee aan sameynay, BASHIIR MURSAL CIISE,wuxuu mar walba isku sawiraa wada u dhow cinwaanka 26 STAFFORD ROAD oo la yiraahdo PENTLAND ROAD,kaasoo uu u bedelay PUNTLAND ROAD, sawirka hoose eeg: map

Ka dib wuxuu soo dhigay BARTA FACEBOOK ee WALAAL AFURI, sawir uu leeyahay halagu soo diro lacag AACOUNT Bangi ku yaala LONDON oo la yiraahdo TSB oo numberkiisa uu yahay 00780290 – kaasoo shabakadan ay soo xaqiijisey in ay ku diiwaan gashan tahay cinwaanka 26 STAFFORD road oo uu degan yahay – BASHIIR MURSAL CIISE, BAALDIGII markii u qarxay wuxuu iminka isku dayey in si casri ah uu lacagta u urursado ka dibna – dalxiiskiisa SUMMERKA uu ku baashaalo,

SOMALIA sida aan la socono waxaa ka shaqeeya ururo can ah oo isla markaa ka diiwaan gashan wadamada YURUB iyaoo sharci ah, sida MAMA ASHA FOUNDATION,AFRICAN DEVELOPMEN TRUST,MOORA GAABEY iyo boqolaal kale,waa maxay sababta uu u oran waayey u dira tabarucan idinkoo adeegsanaya XAWAALADAHA ama ururada aan kor ku soo xusney?


Isku day in aad geshid shabakada graetunited.org ee BASHIIR MURSAL CIISE uu sameystay, dhanka midig waxaa ku yaala PAYPAL payment, oo aan shaqeyn sababtu waa shirkada PAYPAL waxay ku gacan sayrtay in loo isticmaalo si CHARITY ah, isagoo iminka isku dayey in uu furo mid qaas ah oo isaga magaciisa ku qoran yahay, isla markaana sida uu doono ugu takri fala.

Sanadkii hore xiligii shabakadan ay soo baartey WALAAL AFURI,dad aad u fara badan oo YURUB iyo WAQOOYIGAAMERICA ku kala nool ayaa gebi ahaanba u jaray xiriirkii ay la lahaayeen BASHIIR iyo WALAAL AFURI,iyadoo dadka qaarkood had aka baqa in lala sawiro BASHIIR iyo WALAAL AFURI, iyagoo ka baqaya in baaris ay ku sameyso waaxda dembiyada ee BILEYSKA LONDON.


Sidaa hoos ku aragtaan WALAAL AFURI waxaa ku soo harey oo keliya BASHIIR MURSAL – YUUSUF YUUSF – iyo BASHIIR SEDIGIIS OMAR MACALIN,waxaa kale oo la socda kuwa daba dhilif ah oo aan garan waxa la sameynayo iyo lacagta meesha ay ku dhacayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku boorineynaa in ay iska ilaaliyaan asxaabta qurba joogta ah in ay lacatooda ugu shubaan BASHIIR MURSAL CIISE,Email u diri oo weydiiya in uu SALAADII ALLE UU BILAABEY ISLA MARKAANA QAMRIGA uu joojiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada