Al-Shabaab:- Askarigii hub iyo rasaas kala soo goosta dowladda iyo AMISOM waa u lacageyn doonaa

Al-Shabaab:- Askarigii hub iyo rasaas kala soo goosta dowladda iyo AMISOM waa u lacageyn doonaa

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa sheegtay in askartii ka hub kala soo goosata dowladda Soomaaliya ay u lacageyn doonto, iyadoo tallaabadan ay tahay mid cusub oo ay kooxdu ku soo dhoweyneyso askarta ka soo goosta ciidamada dowladda Soomaaliya

Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda inay ka soo baxaan safka cadawga, oo ay soo galaan Shabaab, si ay ugu naseexeeyaan, una bartaan Diinta Islaamka.

Askarigii cadawga ka soo goosta, hubka uu wato waa u lacageyneynaa, hadii rasaas uu wato, booshashka qasnadaha, qiime kasta uu joogo hubka uu kala soo goosto ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Sayid oo ah Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Gedo.

Hadalkan ayuu jeediyay mar uu shalay la hadlayay warbaahinta ku hadasha Al-Shabaab, xilligaasoo ay isku soo dhiibeen ilaa 7-askari uu sheegay inay ka soo goosteen ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo.

Muddo labo cisho ayaa diinta la barayaa, meel ayaa la dejinayaa, waa la wanaajinayaa, hadii inta uu soo goosto qori wato lama dhaho keen qoriga ama in laga dhacayo qoriga uu wato, ee waa loo qiimeynayaa ayuu hadalkiisa ku sii daray Gudoomiyaha Shabaabka u qaabilsan Gobolka Gedo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Shabaab ku dhiira gelinayaan in askar badan in dowladda ay kala soo goosataan hub badan, una lacageeyaan marka ay u yimaadaan, taasoo ah hab dhaqan cusub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada