Al-Shabaab oo ogalaadey in La cayaaro kubadd ama la Daawado"Laakiin Sharuut ku xeray""..

Al-Shabaab oo ogalaadey in La cayaaro kubadd ama la Daawado"Laakiin Sharuut ku xeray""..

daajis.com:-Iyada oo barito dalka Brazil uu ka bilaabanayo koobka adduunka ee kubbada cagta ayaa xarakada Alshabaab waxa ay fasaxday ciyaarista balooniga, balse sharciyada ciyaarta waa mid ka duwan kuwa caadiga ah sida uu ku waramayo wariye Al Jazeera ka tirsan oo booqdey Baraawe.

Tusaale ahaan haddii ciyaartooy uu qalad sameeyo ciyaarta dhexdeeda, halkii kaarka jaalaha ama kan guduuudan loo taagi lahaa, waa la uleynayaa.

Xagga gashiga ay qabaan waxaa ka mid ah maaliyadaha kooxaha caanka ah ee adduunka sida Manchester United, Liverpool, iyo kuwa kale, laakiin maaliyadda ama funaanada ay ugu jecelyihiin waa tan kooxda Arsenal, waxaana jirta in Soomaalida baddan ay Alshabaab u taqaano magaca Arsenal , gaar ahaan marka ay doonayaan in ay ka af gobaadsadaan sheegista magaca Alshabaab.

Lama ogola in aad dadka hawada ka shumiso, haddii kale carrabka ayaa ku maqan, sidoo kale in aad funaanada siibto, haddii kale ciyaaraha ayaa lagaa fariisiin inta noloshaada ka dhiman.

Marka loo dabaaldagayo goolka dhashay, waxaa lagu qeylinayaa “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar”, amaba magaca hogaamiyaha Alshabaab, taasi oo ciyaartooyda uu ku helayo abaalmarin.

Horey Alshabaab waxa ay u mabnuuceen daawashada kubbada, iyo waliba ciyaaristeeda, iyadoo wiil dhalinyaro ah ku diley degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose kubbad uu dheelayay darteed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada