Milatari Amar Ku Bixiyay In Dadkooda Ay Si Lacag La’aan Ah Ku Daawadaan Koobka Adduunka

Milatari Amar Ku Bixiyay In Dadkooda Ay Si Lacag La’aan Ah Ku Daawadaan Koobka Adduunka

daajis.com:-Madaxa militiriga Thailand ee dhawaan afganbi kula wareegay talada dalkaas ayaa ku amray shikrada telifishinada inay hubiyaan in taageerayaasha kubada cagta aysan bixinin wax lacag ah marka ay daawanayaan dhamaan kulamada Koobka Adduunka.


Militiriga ayaa sheegay in arintaan ay qeyb ka tahay olalahooda farxada, taasoo ay ku jirtay waxyaabo kale oo cajiib ah sida timo xiirasho bilaash ah, riwaayado lacag la’aan ah.

Shirkada iibsatay xaquuqda Koobka Adduunka ee Thailand ayaa lagu soo waramayaa inay dowlada militiriga ka codsaneyso 21.3 milyan doolar oo magdhow ah.

Madaxa militiriga ayaa afganbi ku qabsaday talada dalka bishii hore, waxaana ay balanqaadeen inay soo celinayaan kala danbeynta.


Magaalada caasimada ah iyo qeybo ka tirsan dalka ayaa weli waxaa ka jira bandow.

Militiriga ayaana isku dayaya in dadka ay ku indho sarcaadiyaan waxyaabo farxad gelinaya si aan loo arkin caburintooda.

Waxaana arintaas qeyb ka ah in shacabka Thialand loo ogolaado inay daawadaan Koobka Adduunka iyadoo aysan waxba ka bixin.

TV-ga RS ayaa iibsaday xuquuqda Koobka Adduunka, waxaana ay qorsheynayeen in kaliya seddex meelood meel ka mid ah ciyaaraha Koobka Adduunka in si bilaash ah lagu daawado.

Laakiin militiriga ayaa doonaya in RS ay u celiyaan lacagtii ka baxday islamarkaana ay dadka u sahlaan in Koobka Adduunka si bilaash ah lagu daawado.

W/D Siciid Balaleti
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada